Damu-Jadiid iyo Soomaalida sirdoonka ITOOBIYA oo ku shirkoobey hal arrin

Dowlad soomaliyeed mar kasta oo la soo dhiso tan iyo waxii ka dambeeyey bur burkii xukuumadii kacaanka waxaa caado u ah sirdoonka dawladaha caalamka ee danta ka leh soomaaliya gaar ahaan sirdoonka Itoobiya ina ay dowladaas ku yeeshaan adeegayaal jaajuusiin soomaali ah oo warka uga soo tabiya xafiisyada dowlada Soomaliyeed oo dhan gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha , Xafiiska Ra,iisal wasaaraha, Xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka, Xafiiska taliyaha ciidanka xooga, Taliyaha nabadsugida iyo kan Boliiska iyo sidoo kale in ay ku yeeshaan xukuumada Wasiirada Caamilinta loo yaqaan ee Itoobiya u adeega.

Hadaba hadii aan arimahan sii faah- faahiyo waxaa jirta in tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay tartankii doorashadiisa sanadkii 2011-2012 waxaa uu u wakiishay inuu arimaha Itoobiya soo xir xiro ninka gacantiisa midig ah ee la yiraahdo Faaarax Sheekh Cabdiqaadir oo adeegsanayay marka hore Safiiir Soomali ah sidoo kalena ahaa General hore oo Soomaliyeed lana yiraahdo Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo Guul wade loo yaqaan. Faarax Cabdiqaadir iyo General Cabdiraxmaan Guulwade oo labaduba Reer Itoobiya ah , waxaa ay ka shaqeeyeen qorshe dowlada soomaaliya ay awood badan ugu yeeshaan islamarkaasna u hoos keenaan Gumeeystaha Itoobiya, Faarax Cabdiqadir waxaa uu Itoobiyanka Jaajuusinteeda kula kulmay meelo ay ka mid yahiin Jabuuti ,Jjigjiga iyo Diradhabe xagaagii 2012kii. Waxaana ay aad uga yaabeen aqoonta uu u leeyahay Dalka Itoobiya iyo Taariikhda Ra,iisal Wasaarahii Geeriyoodey Mr Meles Zinaawi intaba, waxaana ay markaa ka dib geeyeen Magaalada Addis-Ababa isagoo xukuumada Itoobiya ka gaday ama ka iibiyey in Madaxweynaha imaan doona ay garab siiyaan kaasoo noqon doona mid iyaga la Shaqeeya aadna ugu dhego nuglaada.

Mr Faarax Cabdiqaadir markii uu hawshaas soo dhameeyey ayaa waxaa uu si toos ah ugu xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sirdoonka Itoobiya, gaar ahaan nin la yiraahdo Getachew Assefa oo ka mid ah Madaxda Sirdoonkooda, General Abraha oo ka mid ahTaliyeyaasha Guud ee Ciidamada Itoobiya ee fadhiya kilinka Soomalidu degto iyo General Gabre Adhana oo Igad u Qaabilsan arimaha soomaliya ahaana ninkii hogaaminayey Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho dadka soomaalida ku xasuuqey isla markaana Magaalada Burburiyey. Waa Waraabe Hilba ku raro.. markii guushii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la gaaray , waxaa ay dowlada Itoobiya meel kasta ay geeysay ama ay kaga dhawaaqdey iney la shaqeeyn karaan Dowlada Soomaliya maadaama ay balan qaadyo badan hore ula galeen diyaarna u ahaayeen in Madaxweyne Sheekh Shariif la rido iyo weliba iney ka hor tagto musharixiinta kale ee lagu tuhmaayey ina ay yihiin wadaniyiin soomaaliyeed.

Waxyaabaha kale ee la xusi karo lana xiriira sida Itoobiya ay ugu dhex jirto arimaha soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka warfaafinta dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Mr Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Raga ay aad ugu kalsoon tahay dawlada Itoobiya ayaa waxaa jirta in isagoo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska dad ay saaxiibo dhaw yahiin uu u sheegey hadalkan: Qofkii soomaali ah ee maanta raba xil inuu ka qabto Dawlada soomaaliya waa inuu si dhaw ula shaqeeyaa Sirdoonka Itoobiya gaar ahaana in xiriir aad u weyn uu la leeyahay Gaa-Gaabta oo u yaqaan Tigreega oo awood weyn ku leh xukuumada Itoobiya.

Arimaha muhiimka ah ee dadka soomaalida badankood la doonayo iney ogaadaan ayaa ah in Qorshaha cadawga faraha badan ee soomaaliya ay leedahay gaar ahaan Xukuumada Itoobiya mar kasta waxa uu yahay dadka waxtarka leh wadaniyiinta ah ee soomaliyeed in ay shirqool ku dilaan iyagoo sidoo kalena ku dadaala in dowlad kasta oo loo soo dhiso soomaaliya laga ilaaliyo dadka wadaniyiinta ah ee soomaalinimada ay ku weyn tahay iney ka soo ag dhawaadaan xukunka soomaaliya.

Arimaha kale ee la yaabka leh ee dhacey waxaa ka mid ah inWasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Mr Tedros Adhanom Bishii September 9keedii, Sanadkii 2013,kii waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu ku yiri: Goormaad Ra,iisal Wasaare Saacid rideeysaan oo lagu bedeli doonaa Xuseen Cabdi Xalane oo hada ah Wasiirka maaliyada ee dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh taasoo Macnaheedu ahaa “Raali ayaan ka nahay in Saacid lagu bedelo Howlwadeenkeena inooga dhow “ si loo raali geliyo Itoobiyaanka.

Fara gelinta aadka u xoogan ee Itoobiya ay ku heyso mudo ka badan 24 sanadood oo soomaaliya ay bur bursaneyd waxyaabaha laga xusi karo waxaa ka mid ah qorshe dowlada Itoobiya ay kula heshiiyeen dowlada Federaalka Soomaaliya markii Golaha Wasiirada Dawlada Ra,iisal Wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed la dhisayey waxaana uu ahaa qorshahaas in loo qeybsado Kaadirinta Damu-jadiid iyo Caamiliinta ku xiran dowalda Itoobiya oo dhinac ah. waxyaabaha ay Itoobiyaanka dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh ku amreen waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dadka wadaniyiinta ah ee soomaalinimada ay ku weyn tahay.

Xukuumada Itoobiya Waxaa ay si toos ah dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ugu cadaadiyeen in rag ay wataan loo dhiibo Wasaaradaha kala ah Maaliyada , Gaashaandhiga iyo Warfaafinta taasoo Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday kadib markii ay dhowr jeer General Gabre oo xamar jooga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Mr Tedros Adhanom kula soo xiriireen si toos iyo Text Message intaba taasoo laga arkay markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Telofonkiisa gaarka ah uu uga dhex tagay dayuurad uu ka soo raacay Magaalada Nairobi. dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay.

Waxaa cadaatey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si toos ah amarka uga qaato Dowlada Itoobiya waxaana taasi la yaabay Ra,iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo markii uu dowlada dhisaayey ay ka muuqatay in Wasiirada intooda badan ay wataan Itoobiyaanku loona ogolaado si iyaguna u ogolaadaan Kaadirinta Damu-Jadiid.

Dowlada hada uu Ra,iisal Wasaaraha ka yahay Cabdi Weli Sheekh Axmed waxaa loo qaybsaday Damujadiid iyo Jaajuusiin gafanayaal la yaqaan u ah Itoobiya oo ay ugu horeeyaan .Wasiirka Gaasahaandhiga,Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane ,Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdiqadir oo dhinacna ka ah Xerta Damu Jadiid. ragaan waxey intooda badan amarka ka qaataan Shariif Xasan Sheekh Aaden (Shariif Sakiin ) oo wakiil uga ah danaha Itoobiya ee soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo General Gabre Adhana .

Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxweynihii loo han weynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamud uu hada isu bedelay hogaamiyaha ugu dhow Itoobiyaanka inkastoo dhawaan Ra,iisal Wasaare Cabdi weli sheekh Axmed uu Rag wasiiradiisa ka mid ah uu ugu faaney in dawlada Itoobiya ay isaga jeceshahay ayna ku kalsoontahay haatana ay nacdey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

Sida haatan muuqata Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud dowladii soomaliyeed waxaa uu ka dhigay dowlad goboleed looga taliyo Itoobiya iyo Magaalada Adis Ababa tasoo muujineysa in xukuumada Itoobiya ay ku guuleeysteen in dowlada Soomaaliya ay hoos geeyaan taliska Tigreega ee uu hogaamiyo General Gabre Adhana oo xamar ku sugan.

Arintaan kama qarsoona wadaniyiin badan oo Madaxweynaha la shaqeeyanayey laakiin hada ayey u cadaatay inuu yahay Khaa,in Wadankiisa ku iibsaday taageero Itoobiyaan oo aan meel fog la tagi doonin. si kastaba ha ahaatee waxaa haatan shacbiga Somaliyeed la gudboon iney u hawl galaan sidii ay soomaaliya u heli laheyd Madaxweyne codka umadda soomaaliyeed ku yimid oo iyaga ay soo doortaan Hogaamiyehaas oo leh astaamaha ay ka mid yahiin inuu yahay nin shisheeyahu uusan iibsan Karin,musuq maasuqa ka fog,cadaalada jecel lehna Aqoon , Karti iyo Wadaninimo garan karana in uu masuul ka yahay dalka iyo dadka soomaaliyeed iyadoo la taliyeyaashiisuna ay isaga la shaqeeyeynayaan ee aanu u shaqeeyneyn Cadow kor iyo hoos Mindidii uu ku dili lahaa Soomaali u soofeystey.

Ugu dambeyn ku fiicnaan laheydaa madaxda soomaalida iney qalbiga ku hayaan qeybo ka mid ah gabay uu tiriyey alaha u naxariistee Abwaan Ibraahim Garle waxaana gabaygaas Tuducyadadiisa ka mid ah.

Nin ku yiri Masaan nahay mar la qaad Talaabada

La maleysi mooyee yuu Midiidin kaa dhigan

Miro aad leedahay yuu ku Cunin is Moodsiis

Haduu tiisa Maamulo adna taada maaree

Haduu sheegto Maaleey Mur kasii qaraar noqo.

W/Q: Abdulahi Nuur Colombo
abdulahi63@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid