Faallo: Hogaamiyaha dahsoon ee SOOMAALIYA

Gabre Heard waa Ethiopian ka soo jeeda gaan ahaan qabiilka Tigreega. Gabre Heard waxa uu ahaa abaanduulihii ciidankii Ethiopia ee soo galay Desember 2006dii Soomaaliya si ay meesha uga saaraan Midowgii Maxkamadaha. Ciidankaas Ethiopia oo aan la horkeenin goloyaasha Baarlamaanka iyo kan wasiirada, waxay ku soo galeen amarkii madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo raisul wasaarihisa Cali Maxamed Geedi.

Gabre waxa lagu eedeyaa in ciidanaka Ethiopia ay laayeen oo madaafiic ku garaacee shacab Soomaaliyeed aan waxba galabsan. Arintaas waxa ka danqaday oo cambaareyay madaxweyne Cabdullahi Yusuf kuna eedayay Gabra inuusan ka amar qaadan DFKS. Gabre aya ka carooday arinkaas ka soo yeeray madaxweynaha taasoo sabab u noqotay khilaaf soo kala dhex galay laba dhinac.

Shir saddex geesood ah ay isugu yimaadeen DFKS , Ganacsatada suuqa Bakaaraha iyo Gabre, kaasoo looga tashanayay sidii ciidanka Ethiopia oo xiray dhamaan wadooyinka suuqa looga dulqaadi lahaa. Gabre waxa lagu soo eedayay inu lacago laaluush ah ka qaatay ganacsatada si looga raro cidanka Ethiopia wadooyinka suuqa Bakaaraha soo gala.

Khilaafku wuxu sii xoogaystay ka dib markii lagu eedayay ciidanka Ethiopia in ay beegsadaan xarumada dowladda Somaaliya siiba madaxtooyada, tasoo sabab u noqotay inuu Gabre ka caroodo, waxaana la sheegaa in Gabre wajiga ka dharbaaxay madaxweyne Cabdullahi Yusuf. Madaxweyne Yusuf ayaa Gabre ku eedeeyay inuu marar badan isku dayay inuu shirqool ku dilo, sida uu baahiyay Press TV oo laga leeyahay dalka Iran Feb 22, 2008.

Eedaha isbiirsaday ee loo soo jeediayay Gabre: ka bixida ciidanka Ethiopia suuqa Bakaarha iyo fadeexada laalush qaadashada, Madaafiicda lagu tuurayo madaxtooyada iyo goobaha shacabka iyo isku dayga dilkiisa , madaxawyne Yuusuf waxa uu dalbaday ciidamo Amison oo bedel u noqda kuwa Ethiopia si loo sugo amaanka goobaha dowladda iyo guud ahaan caasimada.

Waxaan ognahay in ciidanka Ethiopia ay la kulmeen iska caabin(muqaawamo) xoog leh mudadii ay caasimada joogeen shacabka qaybihiisa kala duwan ay ka qaybqaateen, waxaana la orankaraa waxay sabab u noqotay in ciidankii uu hogaanka u hayay Gabre ay ka baxaan ciida Soomaaliya bishi Jan 2009kii.

Maalinti laga saaray ciidanka Ethiopia wadanka Soomaaliya raisul wasaarahii Ethiopia Melaz wuxu uu sheegay saxaafada in ciidankooda Soomaaliya ka baxeen laakin ay si dadban ugu jiridoonaan.

Gabre maadaama uu ahaa nin mudo 2 sano ka badan joogay wadan Soomaliya, khibrad badan ka haysta, Gabre waxa loo magacaabay xil aan la aqoon.

Bahdilaada Gabre kuma koobnayn oo kaliya madaxweyne Cabdullahi Yusuf, shirkii ka dhacay Copenhagen Nov 2014tii Gabrena goobjoog ka aha waxa uu u sheegay wafdigii Soomaaliya ka socday sida ay tuugsadaan si shaqo u siiyo, ‘’ waxay i waydiistaan inaan u magacaabo wasiiro, safiiro.’’   

 ‘Ma hayo awood aan ku magaabo’. Bahdilaada ka sakow waxa dad badan yaab iyo amakaak ku noqotay sababta loogu casumay Gabre oo aan la aqoon shaqadiisa waxa ay tahay shir Soomaalida lagu dhexdhexaadinayo.

Waxa in badan lasoo sawiray Gabre oo la shiraya wasiiro, xildhibaano, madaxda maamul goboleedyada iyo saraakiil Soomaaliyeed isagoo baskoolad sita, halka ay goobta joogaan ciidama Amisom. Waa bahdilaad ama hanjabaad uu u dirayo cidii amarkiisa diida aya loo fasirankaraa.

Gabre waxa uu kaalin wayn ka qaatay samaynta maamul goboleedyada wadanka. Waxaa la arkay isagoo dhex fadhiya shir ka dhacay nairobi oo looga hadlayay qaabka iyo hanaanka loo marayo dhisida maamul goboleedyada Somaliya. Heshiiskii degaanka Goobweyn 2014tii ay ku heshiiyeen Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale goobjoog ayuu ka ahaa Gabre. Dadkii ka soo qaybgalay heshiiska aya suaala badan iska waydiiyay sababta loogu martiqaaday Gabre. Heshiiskii DFS iyo Jubba land ee Adis Ababa isagaa hormuud ka ahaa in lagu heshiisiiyo meel Soomaaliya ka baxsan. Maamulka goboleedka Koonfurta Gableed iyo midka hada samayntiisa la wado ee Hiraan iyo Sh/Dhexe saamayntiisa cidna kama qarsoona.

Maamulada wadanka ka jira waxan maqalnaa iyagoo oranaya dowladda aan walaalha nahay. Waxaa hadaba sua’aal ah xagee ku walaalownay? Iyaguse ma qirsanyihiin? Soomaaliya iyo Ethiopia xagee ku heshiiyeen? Ethiopia illa saddex jeer ayay wadanka si sharci darro ah ku soo gashay haddana ku joogtaa.

Barnaamijka Dood wadaag ee uu qabtay Universal TV 30 09 2015, waxa lagu casumay laba xildhibaan oo ka mid ah DFS,Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Maxamed Cabdi Yusuf. Waxay si wadaniyad ku jirto u sheegeen in Gabre iyo N. Key ay wadanka si dahsoon u xukumaan wadankana gumeysi ku jiro cid ka hadli kartana aysan jirin. Waxay dadka Soomaaliyeed ugu baaqen in la midoobo oo heeryada gumeysiga la iska dulqaado.

Maalmo yar ka dib xildhibaano ay ka midyihiin Cabdi Xaashi iyo Maxamed Cadi waxay shir saxaafaded ku qabteen magaalada Muqdisho, waxay ku cadayeen in hanjabaadyo culus oo dil ah loo soo diray. Soomaalida iyaga isku maqan mana arkaan dhagarta Gabre. Maahmaah aya oranaysa‘Doqontu 11 Indhood ayay leedahay, 10 gacalkeeda ayay ku aragtaa halna cirkey ku eegta.’ Illa 2009 kii shacabka Soomaaliyeed waxay suaalo iska waydiinayaan Gabre oo aan ahayn safiir ama ergay Ethiopia u fadhiya Soomaaliya, sababta ninkan awoodaas wayn leh aan loo aqoon shaqada u magacaabanyahay? Iyo sababta aysan dowladda uga hadli Karin?

Gabagabadii, Gabre oo dhaleecenayay IGAD shir ay Jabuuti ku yeelatay waxa uu yiri ‘’ Ethiopia kaliya ayaa Somaaliya caawisa waxna u qabata. Lakiin nasiib darro cidna ma qirsana.’’ Aqristoow isweydii Ethiopia oo burburtay ma isku keeni lahayd? Waa maya wiligay iskuma keeni lahayn inaan sii burburo mooye sababtoo ah waa cadowgeyka koowaad. Cadowga koowaad ay leedahay Ethiopia waa Soomaaliya ha ka sugin marna inay Soomaaliya midnimadayka ka shaqayso. Qof aan garananey maanta jiritaankiisa, berri kama fakiro. Abwaan Ayax Dhowre (A.U.N) wuxu yiri:

Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye, Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye.

Soomaaliya halka ay maanta taalo iyada is dhigtay iyadana cadowgeda isku jibisay cidna yeysan eedayn. Soomaaliya waxay u baahantahay wadaniyiin u istaaga badbaadinta jiritaanka iyo qaranimada Jamhuuriyada Soomaaliya.

W/Q:  Ibrahim Abdulkadir

794545@gmail.com