FADEEXAD: Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo dacwad adag ka gudbisay wasiiro & xildhibaano

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno xubno ku dhow dhow Safaarada Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, ayaa xaqiijiyay in Danjiraha Safaarada uu dacwad ka gudbiyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DF Somalia.

Dacwada Danjiraha ayaa la xiriirta in Wasiirada iyo Xildhibaanada qaar ay usoo ganacsi tagaan Fiisooyinka dal ku galka Turkiga kuwaasi oo kasii iibiya shaqsiyaad Tahriib ah oo doonaya in Turkiga ay kaga sii baxaan dalalka Yurubta.

Danjiraha oo Dacwadiisa gaarsiiyay Xafiisyada Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayaa waxa ay ku saleysneyd in wax laga bedelo howlaha xubnahaasi ee ka kala tirsan labada gole ay faraha kala baxaan.

Shaqsiyaadka Dacwada laga gudbiyay ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Ku-xigeenkiisa oo qaabab khaldan Safaarada uga qaata Fiisooyin kuwaasi oo kasii iibsada Tahriibayaal doonaya in Turkiga ay ka galaan Yurubta.

Sidoo kale, dacwad taasi lamid ah ayuu Danjiruhu ka gudbiyay Hay’adaha amaanka dalka Militeriga, Booliska iyo Nabadsugida oo iyaguna qaata Fiisooyin kadibna ka iibsada dad shacab ah oo daneynaaya Tahriibka.

Dhanka kale, Musuq-maasuqaani ay Safaarada Turkiga ka cabaneyso ayaa qeyb ka ah Musuq-maasuqyada iyo isdabamarinta lagu eedeeyo Madaxda DF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com