AMEERIKO oo ka jawaabay eedeymaha musuqa

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjirihii hore ee Somalia u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko, ayaa ka jawaab celiyay qoraal ay soo saaren Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraada saaran dalalka Somalia iyo Eritrea The Monitoring Group on Somalia, taasoo ahayd inuu lacago lunsaday intuu xilka hayay.

Danjire Ameriko oo warbixintaasi ka duulaya ayaa sheegay in arrinkaasi uu yahay waxkama jiraan, waxa uuna tilmaamay in The Monitoring Group ay mar waliba u taagan tahay ajaafeynta Mas’uuliyiinta Dowlada.

Wuxuu tilmaamay in wixii dhaqaale soo gali jiray safaarada ku bixin jiray taageerida Soomaalida ku dhibaateysan gudaha Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in dhaqaalahaasi inta ugu badan uu ku bixin jiray Qaxootiga ku jira Xerooyinka dhadhaab iyo Kakuma, Haweenka, Waayeelladda iyo dadka Soomaalida ee aan iska bixin karin kharashka Isbitaalladda, Soomaalida ku eedeysan Burcad-baddednimadda ee ku xiran Xabsiga Mombasa, Taageerida Ardayda Soomaalida ee u baahan in la caawiyo.

Mas’uulkaan wuxuu hore qoraal ugu direy Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda saaran dalalka Somalia iyo Eritrea isagoo ugu faahfaahiyay halka uu ku bixiyo qarashaadkii soo galay.

Geesta kale, Warbixinta Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda saaran Somalia iyo Eritrea oo looga hadlay Qoddobo badan, ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan Maamul-xumo oo ka dhacday Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com