SAWIRRO: Soomaali kamid noqday dadkii lagu dilay Iskuul nin cunsuri ah uu seef ku weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Xasan oo ah 15-jir ayaa kamid noqday dadkii lagu laayay iskuulka Kronan ee magaalada Trollhättan ee dalka Swedan.

Axmed Xasan ayaa sababsaday gacanta nin cadaan ah oo ku hubeysnaa Seef, kaasi oo dadka la dhexgalay, waxaana lala dilay nin macallin ah oo isna ajnabi ahaa.

Ruuxa seefta weerarka ku geystay ayaa ahaa Cadaan, waxaana da’diisa lagu qiyaasay 21-jir, waxaana ku dhaawacmay weerarkaasi 2 ruux oo kale kuwaas oo cisbitaalka yaala.

Ninka weerarka geystay ayaa waxaa toogtay booliska, waxaana saxaafadda dalka Swedan ay ku sheegaen in uu ahaa nin xiiseeya cunsuriyadda oo hoggaamiyihii cunsuriga ahaa ee dalka Jarmalka Adolf Hidlef aad u aaminsanaa.

Hooyo Kiin Mohamed Ali oo dhashay wiilka soomaaliga ah ee lagu dilay Iskuulka ayaa tiri ”Marki aan maqlay weerarka, waxaan u cararay iskuulka anigoo Axmed raadinaya, balse nasiib darro waan u jeedi waayay. Booliska ayaa waxaa ay igu yiraahdeen isbitaalka aad, aad ayaana u naxay markaas”.

Marki ay isbitaalka tagtay ayay hooyo Kiin ka warheshay in wiilkeedu uu dhaawac yahay islamarkaana uu saaran yahay miiska qalliinka.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10