Sawirro: Soo dhoweynta XAAMUD ee Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland gaaray wafdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Xasan Xaamud.

Socdaalka Taliyaha ee Kismaayo oo ah mid maalmo qaadan doona waxaana ku wehlinaayay Taliye xigeenka ciidanka booliska iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Taliska Booliska.

Ujeedka socdaalka Taliyaha ayaa la sheegayaa inuu yahay mid lagu mideynaayo Ciidamada Booliska min Muqdisho ilaa Gobolada dalka, waxa uuna Taliyuhu Kismaayo ka sameyn doonaa isku uruurinta Ciidamo hor leh iyo inuu u sameeyo Taliyayaal halkaasi uga wakiil noqon doona.

Taliye Xaamud ayaa Ciidamada Booliska ku wareejin doona agabyo iyo deeqo kale oo loogu talo galay inay hantiyaan Ciidamada.

Socdaalkiisa ayaa waxaa sidoo kale kamid noqon doona furitaanka tababarka dufcada koobaad ee ciddanka booliska Jubaland.

Wafdiga taliyaha ayaa sidoo kale booqan doona xarumaha ciidamada booliska Jubaland ee magaalada Kismaayo.
1

2

3

4

5

6

7

8

9