Faallo: Marxaladda madax falluuqyada iyo maqaamka magaalooyinka Soomaaliya

GAROOWE: Garoowe oo ahayd  xaruntii heshiiskii GAROOWE KOW IYO LABO, maanta geed iyo geddi kale ayey ku galgalaneysaa. Ma Gaas ayaa ugu wacan? Mooji. Si walba, reer Bari way ka wareegtay Burhaantii bajinta iyo boqnogoynta, in kasta oo kan hadda lagu jiraa yahay; halgan awood qaybsi iyo wadaag maamul. Dan in ay u tahay ayaa suuragal ah, ee ha is ku mashquulaan. Saddaxdii ma soo dhaafi doontaa madaxnimada Puntaland? Aan dhawrno.

DUSMO REEB: Dusmo reeb, in kasta oo ay xilligii ka la guurka qayb ka ahayd awood qaybiga, talo jeedinta iyo taabbagelinta Road Map-kii, balse, ay dhumisay waa dhexe, haddana, hadda waxay ku soo laabatay kaalin qaadashadii iyo kasmaamulkii, ee maxaa xigi doona? Damac iyo doonis waa halkeedii, maqaamka magaaladaa iyo muujinteeda muunad waxay i la tahay, in aan laga hormarin dhawr kursi ama dhadhamo kimis. Anigu waxaan dhawrayaa shirka NABADEED, ee maamulladu ku dhawaaqeen, oo Dusmo reeb ka dhici doona. Xusuusin; shirkii dhismama Galmudug iyo nabadaynta beelaba Dusmo reeb ayuu ka dhacay 2015, iyadoon shisheeye iyo dawlad midna shilin iyo shuqul ku yeelan. Weli in dadkii iyo dareenkaa nool yahay waan quuddarraynaa.

CADAADO: “Cadaado cidi kaa ma xigto” hal ku dheggii ahaa, oo hormar iyo haybad u soo jiiday magaalada, waxaa caabuqiyey: “Cadaado Casir iyo Carrabeey ayey u cammiran tahay!” Ayaandarradu waxay tahay, marka reer Cadaado u dhaqmeen sida beelaha ay ka soo jeedaan Formaajo iyo Kheyrre, oo aysan ka la har iyo yeelan is celin. Tan ka sii daran baa ah, marka magac-dilka magaaladaa ay u wada duuban yihiin badi kuwii xalalka siyaasadeed ku metelayey, oo magacdhawgooda lagu dambaababayo. Waan is lahaa, waayo’aragnimo ku filan hele, mase muuqato, wax dhaafsiisaan Cadaado iyo reer Cadaado!

KISMAAYO: Kismaayo oo aan khariiradda siyaasadeed iyo khaafiyadda sed-helid ku jirin xilligaa, maanta waxay hormuud u tahay diidmada la la hortaagan yahay hororka afarta Xaafad ee Xamar ku taalla xukuma iyo laamiga Maka Al Mukarrama. Axmad Madoobe, si walba oo looga duwan yahay, waa uga duwan yahay madaxdii hore iyo kuwan madax falluuqaqaba waxyaabo lagu heli karo ama lagu hanan karo hoggaan -boobba ha ahaadee!- laguna hanan karo taageero ku dhisan talo miisaamaan.

BAYDHABO: Baydhabo hore ugu ma jirin si degaanaysan, oo ma jirin maamul metela, halkaana waxay ka la mid eheed Kismaayo, balse, siyaasad ahaan ayey uga duwaneed, oo metelaad xooggan ayey leheed. Shariif Sheekh Aadan, oo wasiir maaliyad noqday iyo guddoomiye Barlamaan, ayaa dhextaal u ahaa awoodda xilliyadaa. Sidoo kale waxaa joogay Aadan Madoobe iyo Xoogsade. Hadda weli waa dhextaal, oo is diidka taagan, dhanka ay u ciirto ayaa miisaanka siyaasadeed culayskiisu u liicayaa, in kasta oo loollan adag ka taagan yahay doorashada bisha november dhici doonta. Midda baraarugga u baahan ayaa ah, reer Baydhabo, in ay ka digtoonaadaan, in jidkii Jawaari la mariyey, ee MAYDKA la keensaday aan maamulkooda loo marin. Tuug ku dhaca dadkana kaa dhiciya, ayaa ka fiican nacas lagugu dhaco magaciisa iyo maqaamkiisa!

BELEDWEYN IYO JAWHAR: shalay maabka metelaad waa ka maqnaayeen, oo maamul degaan oo adag ama metelaad siyaasadeed oo magac ama muquunin mid ku muuqata labadaba ma helin, oo waxaad ka garee, in uu ahaa maamulkii ugu dambeeyey, oo ay dhistey dawladdii Xasan Sheekh, oo weliba dhib badan iyo is mariwaa adag laga maray. Maanta waxaad mooddaa, in weli ay sidii tahay ama u egtahay; BALADWEYN BAL KU MA TAAL! Oo run ahaan xaalad laga xumaado ah, maxaa yeelay, 2010 – 2018 waxaad mooddaa, in degaannadaa iyo magaalooyinkaa aan dadkoodu waa ku kordhin.

MUQDISHO: shalay madaxdeeda ayaa weerar lagu ahaa, oo marba meel laga doocinayey, iyada oo weliba marxalad amni iyo siyaasadeed adag ku jirtay. Dafalaqsi iyo farafarayn mid ay tahay, waxoogaa dheeri ah laga dhacsay. Labadii mar ee doorashada la qabtayna, iyadoon qofna danteeda iyo duruufteeda fiirin, ayaa lagu durduriyey, weliba kuwii magac beel ama degaan loogu xaglin lahaa ama is xijin lahaa, maxaa yeelay, MAQAAMKA MUQDISHO, oo uu baarlamaanku xalal ka soo saaray, ay eheed, in la ka la doorto, midna la ma fiirin, ee waxaa lagu illoobay qasnaddii la geliyey ama miiskii la dulsaaray.

Ewel haddii madaxda Muqdisho horor lagu ahaa, oo wax badan laga ritay, maanta iyagii ayaa horor ah, oo magaalooyinkii kale iyo maamulladii laga celcelinayaa, oo ay hore isugu dayeen, in ay qaarkood is ku dayaan dumintiisa, sida Galmudug, balse, Suldaan uu dharbaaxo siyaasadeed iyo dhabarjab ku riday, maadaama ay moodeen, in sidii Hirshabeelle ay uga farxalan doonaa, markaa ka dibna Koofur Galbeed, Jubbaland iyo maxaa ka reebaa Somaliland ku sii xijin karaan.

Midda hubban, oon halacsi u baahnayn waxay tahay, in hororka magaalooyinka hadba mooshin ama maqasho ka ridaya, qofka ama qolada ku fiirsata iyada oo awoodda, in ay si uun uga dhiciso, in ay wareegta ama wiiftadu meeshooda ugu imaanayso sugid la’aan, oo salka la isu wada rujin doono, ee ha ku sirmin maqalka wanaagsan iyo maqaallada wacan, ee magac suubban lagu sheego, iyadoo boholo la qodayo, balaayana la abuurayo. BAM!

F.G: Hargaysa waan ka reebayaa, oo buugga Xersi iyo Tuka-Raq ayaa ugu filan dhulgeriir iyo dhegxumo, kaba muhimsane guddoominta Muuse iyo gebidhaclaysntiisa ayaan u daayey. REER WOQOOYIYOOW; MUUSE WAA KAAS! Dirirta beelaha keliya ha joojiyo, oo ha dhexdhigo nabad keenta nolo.

W/Q: Bashiir M. Xersi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid