Xaaf: Nin dhintay oo socda (Wuxuu fahmi waayey inuu Gaas iyo Madoobe ahayn)

Warrankii ugu dambeeyey ayaa ku dhacay Madaxwynaha ay taladu ka qalloocatay ee maamulka Galmudug kaddib markii uu madaxa xukumadda Sheekh Axmed Shaakir soo saaray war-saxaafadeed uu ku garab istaagay dowladda dhexe.

Xaaf oo markii horeba ceeldheer ku sii riday masiirka Galmudug kaddib markii uu ku xirtay Axmed Madoobe iyo Gaas oo iyagu heesta maamullo turuqa aastay oo aan looga daba hadlin ayaa waxaa iminka muuqata in waayihiisa Galmudug gebi’ahaanba soo gabagaboobay.

Guul-darrada lama filaan ah ee Xaaf ku habsatay waxaa sababay inuu fahmi waayey maqaamkiisa iyo farqiga u dhaxeeya isaga iyo kuwa uu ku xirtay ee bohosha ka tuuray.

Farqiga u dhaxeeya Xaaf iyo kuwa xulufada la noqday.

Gaas

Hoggaamiye Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu maamulaa gobollo nidaamkoda dowliga ah ka horreeyey midka Federaal-ka ah ee Kenya lagu soo dhisay.

Waxa uu halkiisii kasii ambaqaaday DHAQANKII Puntland ee majaxaabinta ama qabbaan (Ransom) u haysashada dowladnimada Soomaaliya, ogow, inta badan Puntland hoggaamiyeheedu muranka sad bursi uu la galo Federaal-ka waxba ugama hallaabaan!

Madoobe

Horjoogaha Kismaayo waxa uu dib u casriyeeyey qabqalenimadii marba uu qof ku haysan jiray magaalada Kismaayo.

Waxa uu xeyn-daab Ogaadeen galiyey magaaladaas Soomaali oo dhan u siman yihiin.

Waxaa u jooga ciidamo Kenyan ah oo kula shiraakoobay dhoofinta dhuxusha kuwaas oo awood u siiyey in uu wiiqo dowladnimada Soomaaliya. Madoobe qudhiisa waxa uu u bartay ka macaashka muranka iyo sad bursiga uu la galo dowladda dhexe.

Fahanka Waare!

Madaxweynaha Hirshabeelle Waare, oo qudhiisa ay markii hore ka waaleen Madoobe iyo Gaas ayaa markii dambe si miir qab ah u fahmay dabinka ay wataan raggaas danahooda gaarka ah ku hiifay madaxa dowladda Federal-ka ah.

Waare, oo og inuu madaxweyne ka yahay maamul taba-darran, oo qabaa’ilo badan ka kooban, ayna salan tahay in si fudud xilka looga tuuro, ayaa la heshiiyey dowladda, waanaka macaashay oo maanta maamulkiisa curdunka ah waa mid is haysta oo cagta saaray waddada.

Xaaf, maanta waa nin dhintay oo socda!

Sida muuqata, dowladdaayaa dhinaca Ahlu-Sunna ka martay Xaaf, si deg deg ahna meel cidlo usoo joojisay Xaaf, oo hadda ay u furan tahay kaliya inuu meesha ka baxo ama isu dhiibo dowladda.

Cadaado waxaa ka dhisan maamul leh Madaxweyne, Dhuusamareeb waxaa gacanta ku haya Sheekh Axmed Shaakir oo si cad u taageeray dowladda dhexe – Su’aasha ayaa ah,  Xaaf ma Kismaayo ayuu magangaliyo u doonan mise Garowe!

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid