Xog laga helay qaabka iyo sababta dadka duleedka MUQDISHO lagu laayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay cidda ay ahaayeen dadkii shalay lixda ruux ku dishay duleedka magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegay inay hayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan dadkii ka dambeeyay dilkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, waxaana Maamulka ay sheegeen in gacanta lagu dhigay dadkaasi qaar kamid ah.

C/Fataax Xaaji Cabdulle Guddoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen wadaha Gaariga lagu hor jaray gaariga dadweynaha Shacabka ah ay la socdeen, isaga oo sheegay in laamaha amaanka loo gacan geliyay si baaritaan loogu sameeyo.

Wuxuu sheegay in dadkaasi ay ahaayeen Maleeshiyaad u hubeysan qaab beeleed kuwaasi oo aargoosi ahaan u dilay shacabka gaariga saarnaa, oo seddex kamid ah ay walaalo ahaayeen.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka dalbaday maamulka Koofur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaataan baaritaanka lagu sameynayo dadka falka dilka geystay, waxaana dadkaasi lagu xerey saldhiga degmada Afgooye, walow markii dambe Muqdisho loosoo wareejiyay.

Dadka ay kasoo jeedaan dadkii lagu laayay duleedka magaalada Muqdisho, ayuu ka dalbaday inay xaalada dajiyaan oo ay ka war sugaan baaritaanka laamaha amaanka ay wadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com