“Qofkii liin nagu dhiijiyo jugtaan gaarsiino waa uu ka sheekeyn doonnaa”

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbalad ayaa digniin adag usii diray dadka uu sheegay inay ku mashquulsan yihiin carqaladeynta doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

C/rashiid Xasan Janan, Wasiirka Amniga ee Jubbaland ayaa digniin adag u diray qof kasta oo isku mashquulineysa carqaladeynta doorashada Jubbaland, isagoo fariintiisa laga dheehan karay inay toos u taabaneyso madaxda dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasiir, Oday dhaqameed, Xildhibaan iyo cid walbaa oo la timaado faragelinta doorashada Jubbaland aysan ugu dulqaadan doonin, waxaana uu sheegay inay leeyihiin labo cadow oo kala ah mid ay yaqaanaan iyo mid aysan aqoon.

“Wasiir ayaan ahay, xildhibaan ayaan ahay, Taliye ayaan ahay, Oday dhaqameed ayaan ahay, ha yiraahdo wuxuu doono ha sheegto, darajo kasto ha sheegto, hadduu isku dayo inuu Liin ku dhiijiyo waxaan muddo ka shaqeyney walaahi kama yeeleyno, Ciddii Liin ku dhiijiso, Waxaan rabnaa Kashii lagu dhufto inay waligeed ummada ka sheekeyso”ayuu yiri wasiirka amniga ee Jubbaland.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka warhayaan in madaxda dowladda ay doonayaan inay carqaladeeyso doorashada Jubbaland sida uu hadalka u dhigay, isaga oo tusaale usoo qaatay gaadiidka aan xabada karin ee laga dajiyay magaalada Baydhabo iyo wasiirada ku sugan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan musharax walbaa oo wanaag la yimaado, isaga oo sheegay inaaney jirin cid sidii Boqortooyo xilka isaga dhaganaan karta oo uu kala jeeday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Dhawaan ayaa la filayaa inay doorasho ka dhacdo deegaanada Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com