MICHAEL KEATING oo xil cusub loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergaygii Hore ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Michael Keating, ayaa loo magacaabay xil cusub, kadib markii uu waayay xilkii uu ka hayay Somalia horaantii October.

Mr Keating, ayaa lasoo shaqeeyay dowladda Soomaaliya, waxaana hadda loo magacaabay agaasimaha Machadka Nabadda ee Qaaramada Yurub. iyadoo Machadkaasi uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay inay ku faraxsan yihiin xilka loo dhiibay Keating.

Michael Keating, ayaa xilkaasi kala wareegaya Martin Griffiths oo hadda ahaa agaasimaha machadka Nabadda ee Qaaradda Yurub, waxaana la shaaciyay inuu xilka qaban doono 5 November.

Agaasimaha hadda ka tagaya xilka Agaasinka Machadka Nabadda ee Yurub, ayaa isagana loo magacaabay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Yemen, oo colaado ay halakeeyeen.

Mac-hadkan oo uu fadhigiisu yahay Brussels, ayaa waxaa uu leeyahay 31 shaqaale joogto ah, waxaana Keating sugeysa in uu maamulo miisaaniyadda sanad laha ah ee Mac-hadka oo gaareysa Sagaal Milyan oo Yuro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com