Madaxweyne Farmaajo oo safar dibadeed u baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxay ku wajahan yihiin dalka Suudaanta Koofureed, halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan xafladda dhameystirka heshiiska Dhinacyada isku haya dalkaasi.

Wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ka sagootiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana ay maalmaha soo socdo ku sugnanayaan dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Sudan waxaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda ka qeyb galaysa munaasabada ka dhacaysa Suudaanta Koofureed.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com