Maamulka G/Banaadir oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira hubka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in magaalada Muqdisho dhexdeeda lagu iibiyo hubka, taasi oo qeyb ka ah xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa kamid aheyd Caasimadaha sida caadiga ah loogu iibiyo Hubka, waxaana suuro gal aheyd in hubka ay iibsato qof kasta oo lacag heysta, taasi oo caqabad ku aheyd amaanka magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in isbadal wanaagsan oo dhanka amaanka ah laga dareemay magaalada Muqdisho.

Waxaana taasi sababteeda uu ku sheegay inay tahay in ciidamo badan oo boolis ah laga howlgaliyay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, iyaga oo la dagaalamaya kuwa amni darada qeyb ka ah.

“Howlgallada ay ciidamadu sameeyeen ayaa ku suurtagashay in amniga uu hagaago, waxaana jirtay in ciidamadu ay tageen goobo aysan horay u tegi jirin oo ku taalla degmada wadajir, waxayna aheyd meel hubka lagu keydsado dadkii goobtaas joogayna ciidamada tallaabo ayay ka qaadeen” ayuu yiri guddoomiye Tuulax.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in laga bilaabo maanta aan la arki karin goob lagu iibiyo hubka, maadaama uu sheegay inay qeyb ka qaataan amni darada magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com