Xog: Xubnaha Puntland ku matala dowlada dhexe oo u deyriyey Cabdiweli Gaas  

Muqdisho (Caasimada Online) – Puntland ayaa aadi doonta doorasho madaxweyne horaanta bisha Janaayo ee sanadka soo aadan. Madaxweyne Gaas ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto kursiga isagoo hada uun bilaabay dhaq dhaqaaqiisa doorashada.

Musharaxiin u badan reer Qardho aya u taagan kursiga madaxtinimada Puntland ee shanta sanno ee soo socota, Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa sidoo kale dhowr musharax kuleh doorashada. Aadbey u adagtahay in Putlander-ku ay dib u doortaan Cabdiweli Gaas marka la eego guuxa xildhibaanada iyo dareenka shacabka.

Sida aan xogta ku helnay , madaxweyne Gaas ayaa taageero weydiistay xubnaha Puntland ku matala Dowlada dhexe ee Soomaliya ,laakiin wuxuu kala kulmay jawaab lama filaan ah.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Puntland kaas oo diiday in aan magaciisa xigano ayaa sheegay in Gaas uu weydiistay iney ololihiisa qeyb ka noqdaan oo ay shacabka ka iibiyaan inuu Puntland gaarsiin karo doorasho shacab hadii uu xafiiska kusoo laabto.

Laakiin xildhibaankan ayaa sheegay in xubnaha Puntland ku matala Dowlada dhexe iney Cabdiweli u sheegeen iney Puntland u baahantahay isbadal. Kulan ay xildhibaanada iyo wasiirada reer Puntland ku yeesheen Muqdisho ayey badankood farta ku fiiqeen musharax Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ay u arkaan nin Puntland badbaadin kara.

Musharax Juxa oo dad badan u arkaan hogaamiye ruuxi ah, oo hadalkiisu cad-cad yahay ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu heysto rabitaanka ganacsatada iyo bahda waxbarashada ee Puntland.

“Cabdiweli waxaan u sheegnay in Puntland u baahan tahay isbadal, shantii sano ee uu xafiiska joogay wuu dadaalay laakiin ma uusan gaarsiin Puntland meeshii la filayay, waxaan badankeen fursad ka dhex aragnaa musharax Juxa ,hadiiba ay dhacdo in aan xildhibaanada iyo shacabka Putland la hadleyno waxaan dhihi doonaa Juxa doorta ayuu yiri xildhibankan oo diiday in aan magaciis xigano.

Gaas ayaa waqti badan isaga lumiyay dagaalka Dowlada dhexe 19 bilood ee lasoo dhaafay, taas oo ay inta badan aad u dhaliileen siyaasiyiinta reer Puntland. Waxey aaminsan yihiin in arrintaas laga maarmi karay balse uu Cabdiweli Gaas ka dhex arkay dano shaqsi ah.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com