Sawirro: Shariif Xasan oo la kulmay QM iyo AU, xilli shaki cusub oo soo baxay

Baydhabo (Caasimada Online) – Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeeyay kulamo la qaadanayay madaxda maamul goboleedyada ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Kulan u dhaxeeyay Shariif Xasan Sheikh Aadan, Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa u gudbiyay wakiilada uu la kulmay walaaca ay ka qabaan faragelinta dowladda Soomaaliya ee doorashada dhawaanla filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Shariif Xasan, ayaa tartan adag kala kulmaya musharrixiin badan oo ku sugan Baydhab, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in uu cadaadis saaray Guddiga doorashada oo ay ka mid tahay in ololaha doorashada ay dib u dhigaan islamarkaana shuruudaha ku daraan in musharrixiinta qaar aysan tartamin.

Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa u sheegay Shariif Xasan inay wadaan dhexdhexaadin ay ka dhex bilaabayaan dowladda Soomaaliya iyo maamulada Soomaaliya.

Waxay la kulmeen madaxweynaha Jubbaland iyo madaxweynaha Hirshabeelle iyaga oo hordhigay ujeedada iyo dhexdhexaadinta ay wadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com