Musharax u taagan Koonfur Galbeed oo barnaamijkii Farmaajo ka wada Marka

Marka (Caasimada Online) – Musharax xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya talihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shalay gaaray Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xuseen Cismaan xuseen ayaa Magaalada Marka ka bilaabay ololaha Barnaamijka isxilqaan oo uu horay amar ugu bixiyay in dalka lagu dhiso Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Marka waxaa gooyay Geedka loo yaqaano(Geed Yahuudka),waxan adag in dadka iyo Gaadiidka ay isaga kala goosahaan.

Dadka degmaa Marka ayaa bilaabay inay qaataan baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa isxilqaan dalkaaga ku dhiso,waxana barnaamijkaas Galabta kala qeyb galay Musharax xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya talihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen.

Qaar ka mid ah dadkii ka qyeb qaadanayay ololaha Isxilqaan ee Magalada Marka ayaa musharaxa waxa ay uga mahad celiyeen sida uu u garab istaagay.

Waxa ay ka dalbadeen inuu garab ku siiyo dib u soo celinta bilicdii degmada Marka si looga gudbo dhibaatooyinkii ay soo martay,iyaga oo taageere u muujiyay maadaama uu yahay musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Marka
Caasimada@live.com