Mareykanka oo war kasoo saaray doorashada Koonfur Galbeed (Yey taageereen?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ee la filayo inay Baydhabo ka dhacdo 17-ka bishan.

Qoraal kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Washington ay soo dhoweeneyso aasaaska Guddiga Doorashada ee Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo xulashada kooxda hogaamineysa.

“Waxaan rajeyneynaa in November 17 ay dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo taas oo ka turjumeysa codka shacabka Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Mareykanka ayaa dhinaca kale sheegtay in marka ay timaado musharaxiinta dhowrka ah ee ku loolamaya xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, aysan jirin cid ay si gaar ah u taageerayaan.

“Weynu taageereynaa geeddi-socodka, laakiin marnaba ma taageereyno musharax gaar ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma cadda sababta Mareykanka u sheegeen inaysan cidna taageereyn, ayada oo aysanba jirin wax tuhunno ama warar ah oo arrintaas ku saabsan. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa taageereysa qaar ka mid ah musharaxiinta, waxaana suurto-gal ah in warkan uu ayada ku socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com