Mustaqbalka siyaasadeed ee Xaaf oo mugdi galay iyo dowladda Soomaaliya oo la heshay dhabarjabin culus

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Shalay gelinkii damabe ayuu maalmo kadib dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf),waxaana uu ugu baaqay Shacabka Dhuusamareeb inay u diyaar garoobaan Shirweynaha Qaran ee ka dhacaya Magaaladaas.

Hayeeshee iyada oo taasi ay jirto ayaa waxaa xalay war-Saxaafadeed soo saaray Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug  Maxamed Shaakir Cali Xasan, wuxuuna ku sheegay in ay aqoonsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Sheekh Shaakir in markii uu arkay xaalada dalka ay laga maarmaan u noqotay in la badbaadiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo gogoshii uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaao ee ahaa inay Shir Wadatashi ah isugu yimaadaana Madaxda Dowlad Goboleedyada kaa soo ka dhacaya Magalada Muqdisho balse Dowlad Goboleedyada kale ay diideen.

Warqadaan xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ayaa u muuqata mid abuurtay khilaaf Cuusb iyo khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Khilaafka u dhaxeeya Hoggaanka Galmudug ayaa sababay in Xildhibaanada Maamulkaas ay kala dagaan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb,waxana Madaxweyne Xaaf uu ku sugnaa Dhuusamareeb balse haatan ay u muuqato in uu waayay taageeradii uu ku lahaa Magaaladaas.

Xaaf oo meel cidlaa kusoo dhacay:

Qoraalka kasoo baxay Sheekh Maxamed Shaakir ayaa cadaadiska kusii badin doono Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf kaasoo horey usoo lumiyey Magaalada Cadaado.

Xaaf ayaa hadda wajahayo jahwareer siyaasadeed, wuxuuna ku qasbanaan doonaa inuu heshiis la galo Dowladda Dhexe maadaama uu horey awoodda Galmudug u dhiibay Ahlu Sunna oo ciidan ahaana iyo maamul ahaanba maamusho Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhabarjabin culus la heshay Madaxweyne Xaaf oo muddo badan ku maqnaa Magaalada Garoowe, waxayna tallaabadaan u egtahay inay tahay middii looga takhalusi lahaa Madaxweyne Xaaf oo taageero ka heysto madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com