FAALLO: Puntland Ma Badbaaday Rabtaa Mise Baxnaano?

Waxaan maqli jiray maahmaah Soomaliyeed oo tiraahda: “Labaatan jir Mudug jooga Alle uma xil qarin”  Taas waxaa la mid ah cidii maanta Soomali hogaan u qabata.  Maxaa yeelay dadka Soomaaliyeed waa dad meheradoodii ka dhigtay siyaasad, dad habeen iyo dharaar wakhti ku dhumiya maxaa la yiri iyo maxaa la soo sheegay.

Sidaa awgeed, qof kasta oo xil qabta waxaa sugaya imtixaan aduun oo ah in ficil kasta uu qaado ama odhaah kasta oo uu ku dhawaaqo fasiraado iyo faalayn badan loo yeelayo, ama faalo xaqa asiibta ha noqoto ama mid khaldan hanoqotee.  Bal hadaba ka waran qofka yiri waxaan hogaanka u qabanayaa malaayiin qof oo wada siyaasi ah.

Waa saas oo ay reer Puntland Soomaalidu kale dhinaca siyaasad jacaylka iyo faaladeeda, marka Soomalida kale loo eego ay baro dheeryihiin.  Walow, ay sidaas tahay, ayaa shacabka reer Puntland yihiin kuwo u dhago nugul adeecista hogaankooda, had iyo goorna ka dheeraada wax kasta oo khilaaf gacan ka hadal gaari kara.   Badanaana fadhi ku dirir ayaa falan qaynta siyaasadeed lagu dhamaystaa, iyadoo si kaftan lehna hadalka la isugu dhiibayo.

Isku soo duuboo, waxaa maanta mucaaradka iyo muxaafidka Puntland iyo shacabka aan intaa midna ahayniba isla qireen in Puntland maanta ay maraysaa marxalad adag oo u baahan in lagu wajaho dabacsanaan, dulqaad iyo dareen dad iyo degaan jacayl, lagana dheeraado wax kasta oo sii fogayn kara in khilaaf gacan ka hadal yimaado.

Hadaba, waxaa shacabka ku haybtirsada Puntland dal gudo iyo dibadba uga fadhigaan hogaanka maanta xilka haya iyo qof ama koox kasta oo mucaarad ahiba ay la yimaadaan  Garaad garowshiinyo wata iyo geesinimo aan gaagax lahayn, taas oo ah dowga keliga oo lagu xalin karo laguna wajihi karo duruufaha adag ee in si nabadi ku jirto looga gudbo u baahan.

Dowlada iyo Mucaaradkuba waxyaalo ay ku saxan yihiin iyo wax yaalo ay ku khaldan yihiin baa jira, meelo ay isaga imaan karaan oo muwaafaqo keeni kartaan waa jiraan, hadaba , bal aan dib u yare jaleecno waxa sababay dib u dhaca ku yimid geedi socodka sidii loo gaari lahaa doorasho xor ah.

Dowlada: 

Dowladu wax badan oo ay qabatayna way jirtaa wax ay ka gaabisayna way jirtaa.  Hadaba waxyaalaha ay ka gaabisay oo isbedelka siyaasadeed iyo doorasho khuseeya waxa weeyaan inay ku fashilmatay inay wakhtigii loogu talo galay ku fuliso geedi socodka dimocraadiyanta, gaar ahaan Axsaabta Siyaasadeed iyo tira koobka shacabka.

Furista iyo diiwaan gelinta axsaabta siyaasadeed waxay ahayd inay fusho labo sano ka hor, ee maahayn maanta oo afartii sano dhamaatay in lakala ordo.  Taas waxaa dad badan u fasirteen in aan dowladu daacad ka ahayn in isbedel siyaasadeed oo doorasho xor ah ku salaysan uu ku dhaco wakhtigii loogu talo galay, sababta dib u dhaca loo sameeynayayna ay ahayd in dowlada ku sii seeto dheeraysato xilka dowladadeed si ay dib u dhaca cudurdaar uga dhigato.

Talaabooyinka kale ee ka soo horjeeda doorasho cadaalad ah oo dhacda  waxaa ka mid ah:

Waxay ahayd in Guddiga doorashadu noqdo guddi xor ah, oo dhexdhexaad ah oo aan xisbi ama siyaasi gaar ah awood dheeri ah ugu yeelan.  Laakiin, sida ay qabaan siyaasiyiin reer Puntland oo badani waxay tahay in xubnaha guddiga maanta jira uusan ahayn mid madax banaan balse ah mid dowlada maanta xukunka haysa ay soo magacaabatay oo dhinacooda u janjeera.

Waxaa kale oo khalad meel ka dhac ku ah caqliga muwaadiniinta reer Puntland ah in Masuuliyiintii Puntland oo wasiiro leh, gudoomiyayaal Gobol iyo degmo leh, saraakiil leh la yiraahdo waxay xubno ka yihiin Xisbiga Dowlada maanta Xilka Haya uu samaystay ee Horseed, waxaa intaa isku fuuqsaday in 66 Xubnood ee ay soo dirsadeen dhamaan qabiilada reer Puntland la yiraahdo waxay xubno ka yihiin Xisbigan cusub, waxaa kaba sii darnaa in ku dhawaaqista xisbigani ay ka dhacday Baarlamanka Puntland, taas oo ah mid ka soo horjeeda hanaanka dowladnimo,  maxaa yeelay Dhismayaasha dowladu waa mid dadka oo dhan ka dhexeeya ee xisbi gaar u leh una isticmaali karaa uusan jirin.

Mucaaradka:

Mucaaradku waxay u badan yihiin afraad , walow iskooxaysi ay iminka bilaabatay laakiin, mucaaradka kuwa ugu cadcadi waa shaqsiyaad siyaasada wax badan ku soo jiray,  lasoo shaqeeyay dowladihii Cadde, Cabdullahi iyo Siyaad Bare-ba iyo kuwii ka horeeyayba, ay isku jiil yihiin Madaxweyne Dr. Faroole.  Sidaa awgeed, maskax cusub iyo aragti ka duwan tii hore inaysan jiran ayaa dadka qaar qabaa , oo sheekadu ay tahay , toco per toco.

Mucaarad awood iyo kalsooni buuxda ka haysta shacabka Puntlandna ma jiro, sida aysan Dowlada maanta jirtaaba kalsooni buuxda shacabka oo dhan aysan uga haysan.  Goodintooda ku aadan “Car Dr. Faroole maalin ka ku darsado xukunkana” waa mid aan xal siyaasad oo nabadeed horseedi doonin.

Xisbiyada Cusub:

Xisbiyada Cusub wax weyn oo ay soo kordhinayaan ma jiraan baa dad badan qabaa, maxaa yeelay hal xisbi oo buuxin kara shuruudaha ku qeexan xeerka Puntland ma jiro, ama waa xisbiyo beeleedyo, ama waa kuwo gobol qudha ka jira oo aan ku baahsanayn Puntland oo dhan, balse badankoodu Boosaaso iyo nawaaxigeeda ka unkameen.  Waana dhaqdhaqaaqaas iyo shirarka Bari baryahaan ka socday mida keentay in Madaxweyne Dr. Faroole Boosaaso u soo raray dowladii si uu Heegan culus uga hayo finfiniinka siyaasadeed ee dowladiisa gilgilay.

Maxaa Xal ah: 

Aad ayay u adag tahay in Xisbiyo curdin ah, oo aan axdi (xeer) iyo hadaf ay ka duulayaan lahayn haday leeyihiina aan la aqoon, qaacido siyaasadeed (political base) oo xoog lehna aan haysan, dhaqaale buuran uusan jirin,  kuna kooban aragti qof ama beel, ama beelo hal gobol isla dega oo is biirsaday balse aan ku baahsanayn deegaamada Puntland oo dhan.  Haday in diiwaan geliyaan xisbiyadaasi waxay dowlada u saamaxaysaa dhowr arimood oo ah:

  1. Inay dadka ka dhaadhiciso waxaan hirgelinay dimocraadiyad , dadkiina u horseednay nidaam xisbiyo,
  2. Waxay xisbiydaan diiwaan gelintooda u adeegsan doonataa in lagu caburiyo hogaamiyayaasha mucaaradka ee afraada ah

Hadaba , waaa xaqiiq in xisbiyada degdega lagu furtay aysan isdiiwaan gelintoodu wax dheef ah soo hoyinaynin dhib ay horseedaan mooyaane, maxaa yeelay waxaa hubaal ah inaysan guul buuran soo hoyin doonin doorasho dhacda, awooda dhaqaale iyo qaacidada siyaasadeed ee maamulka jirana u babac dhici karin.

Siyaasiyiinta shaqsiyaadka ah , iyagana caqabad taas la mid ah ama kaba siiweyn ayaa hortaala, oo ah awood dhaqaale oo ay ku kala furfuri karaan xubnaha kooban oo codbixiyashasa ah ma jirto,  mid ciidan oo ay kaga hortagi karaan hadii dowlada maanta jirta xukunka ku darsatona ma jiro,  waxaaba intaa ka sii dheer,  taageero siyaasadeed oo sidaa u baahsana ma haystaan.

Dowlada maanta jirtana ku darsasho hal sano oo aan shacabku raali uga noqon, laguna qancin siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulkan waa mid aan u suurto galayn, ilayn Puntland rabitaan shacab ayay ku timid, maamulka jirana doorashu ayuu ku yimid, sidaa awgeed , hadii maamulku isku dayo jajuub, taasi waa mid ka hor imanasa rabitaanka shacabka, wado aan lagu faa’iidina horseedi karta, taas oo kala dili karta shacabka walaalaha ah ee reer Putnland.

Sidoo kale maadaama ay wakhtigii loogu talo galay hirgelinta axsaabta siyaasiga ah ka dib dhaceen, kuna fashilmeel hirgelintoodii, wax (last minute) dhaqiiqada ugu danbaysa la dhoodhoobay guul iyo isbedel uusan horsoode Karin.

Hadaba maxaa xal ah, waxaan arkaa labo arimood mid in ay kala doortaan reer Puntland iyagaa u dow leh.

Xalka Koowaad:

In maadaama mucaaradku aysan diyaar u ahayn in dowladu wakhti ku darsato ay doorashadii dhacdo Jan, 2013.  Balse ay ahaato oo qudha tartan dhex mara afraad siyaasiyiin ah oo tartamaya , balse wax xisbiyo siyaasadeed la yiraado meesha laga saaro, maadaama aysan mudada intaa le’eg ku suurto geli Karin in la hirgeliyo laguna barto axsaabta cusub waxa ay yihiin , cida hogaamisa, hadafka ay ka duulayaan iyo barnaajimkooda siyaasadeedba.   Qofkii ku guulaysta doorashadaasna ama ha noqdo madaxweyne Dr. Faroole ama qof kalee hore u sii wado oo dhamaystiro hirgelinta axsaabta Siyaasadeed iyo tira koobka shacabka si markaasi doorka danbe loo gaaro xornimo buuxda oo ku aadan doorashooyinka iyo xoriyadda fikarka siyaasi iyo aragtiyeed.

Xalka Labaad:

In dowlada jirta wakhti go’an loogu daro, ugu yaraan 6 bilood, ugu badnaan sanad, laakiin ku daristaasi ay wadato shuruudo dhowr ah sida:

  1. In wakhtiga diiwaan gelinta axsaabta siyaasadeed dib loo dhiyo oo la siiyo mudo ku filan hirgelintooda iyo tartankooda siyaasadeed.
  2. In guddiga doorashada oo iminka jira la kala diro oo lagu bedelo guddi dhexdhexaad ah oo ay ku wada qancaan dowlada jirta iyo mucaaradkuba.
  3. In isamadda Puntland ay heshiiskaan dhexdhexaadiyaan xilka fulintiisana dusha u rutaan
  4. In cida wax dooranaysan noqdaan shacabka Puntland ee aysan noqon 66 qof ee qol lagu soo xirto, si taas loo helana tiro koobka shacabka iyo diiwaan gelintooda la sameeyaa xiliga doorashada ka hor
  5. In doorashadu xiliga ay dhacayso , ururada dowliga ah  iyo hay’adaha kor-joogtada ka noqda doorashooyinka caalamka lagu casumaa inay goobjoog ka ahaadaan si loo xaqiijiyo in doorashadaasi cadaalad iyo xornimo ku dhacday
  6. In dowlada iminka jirta aysan hantida , gaadiidka iyo dhismayaasha dowlada u adeegsan Karin howlo xisbi siyaasadeed oo gaar loo leeyahay
  7. In mucaaradka loo saamaxo inay ilaalo gaar ah yeelan karaan, aragtidooda iyo hadafkooda siyaasadeedna  si xor ah ku gudbin karan , qabsan karaana shirar.
  8. In idaacadaha dalka ka jira aan la caburin, balse xornimo buuxda la siiyo
  9. Iyo ugu danbays in siyaasiyiinta iyo saxaafaduba ka fogaadaan aflagaado iyo bahdal qof, oo aan la shakhsiyadayn siyaasada,  balse ay ku koobnaadaan wixii siyaasad iyo badbaado dal , dad iyo deegaan khuseeya oo qudha.

W/Q: Farah Aw-Osman awosman@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan