Faalo: Indheheenu caawa waa El Clasico, maxaad ka fileysaa?

Kooxaha uu kulanku u dhexeeyo: Barcelona vs Real Madrid.

Garoonka lagu ciyaarayo: Comp Nou.

Saacada geeska Africa: 8:50 PM [Sedax saac oo todan daqiiqo dhiman]

Garsooraha kulankaan qaban doona: Carlos Delgado Ferreiro.

Line up-ka macquulka ah ee laga yaabo inay labada koox kusoo galaan:

Barcelona:

Valdes
Alves, Song, Mascherano, Adriano
Xavi, Busquets, Iniesta
Pedro, Messi, Sanchez.

Real Madrid:

Casillas
Arbeloa, Pepe, Ramos, Marcelo
Khedira, Alonso
Di Maria, Ozil, Ronaldo
Benzema.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa is wajihi doona kulankoodii 222-aad ee tartamada oo idil, iyadoo Barcelona ay ka guuleysatay Real 87 jeer, halka kooxda martida ah ay guuleysatay 88 jeer, 47 kulana barbaro ayey ku kala bexeen.

Kulankaan ayaa dhacaaya iyadoo Barcelona ay Real ka dhibco badan tahay dhanka horyaalka waxayna ka sareysaa 8 dhibcood.

Real ayaa heysata natiijooyin niyad dhis ah waxayna gaartay afar guul oo isku xigta, laakiin kooxda martida loo yahay sooma gaarin guul darro uga dambeysay tii ay Real kaga qaaday Super Cup Spain.

Wax badan ka baro kulankaan ‘El Clasico’.

Barcelona ayaa wajaheysa Real Madrid kulankii 222aad ee tartamada oo dhan. Kooxda Catalans waxa ay badisay 87 jeer, halka Real Madrid ay badisay 88 jeer.

Blaugrana ayaa badisay dhamaan lixdii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan ah tan iyo intii guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay Madrid koobkii Supercopa.

Hadii Barca ay badiso caawa, waxa ay ka dhigan tahay ku bilaabashadoodii ugu fiicneyd horyaalka ee abid.

Real Madrid ayaa laga badiyay seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen tartamada oo dhan.

Los Blancos ayaa badisay kaliya hal kulan sideedii kulan ee ugu danbeysay ee La Liga ee ay qoorta isku galaan Barcelona, halka lix kulan laga badiyay kulanka kalena barbaro ayay ku kala baxeen.

Rikoorka Jose Mourinho ee kaga horyimid Barcelona intii uu macalin u ahaa Chelsea, Inter iyo Real Madrid waa sida tan: Waxa uu badiyay lix kulan, waxa ay uu barbaro kala kulmay 7 kulan, waxaana ay guuldarro ka soo gaartay 10 kulan. Barca ayaana ah kooxda ugu badan ee guuldarro soo gaarsiisa Mourinho intii uu macalin ahaa.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 12 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana uu labo gool dheer yahay dhigiisa Barca Lionel Messi.

Garsoorka kulankaani waa side.?

Xiriirka kubada cagta dalka Spain ayaa kulankaan u magacaabay inuu dhex dhexaadiyo Carlos Delgado Ferreiro.

Laakiin uma muuqdo inuu yahay nasiibka Barcelona, si gaar ah ayeyna isha ugu heyn doontaa, ka dib markii uu dhex dhexaadiyey  14 kulan oo ay ciyaareysay Barcelona, waxay badisay 11 kulan, 2 kulan waa laga badiyey, kulana barbaro ayey gashay. Wuxuuna ciyaartoyda Barcelona siiyey hal kaar oo casaan ah, iyadoo ay ka roon yihiin dhanka Real.

Dhanka Real Madrid, wuxuu u dhex dhexaadiyey 7 kulan , hal ciyaar lagama badin todobadaas kulan, shan ka mid ah wey badisay, labana barbaro ayey gashay. Wuxuuna mudadaas Real u taagay laba kaar oo casaan ah.

Si kastaba Carlos waa nin ku gaamuray garsoorka wuxuuna La Liga dhex dhexaadiyey 104 kulan.

Aduunku siduu u arkaa El Clasico.?

El Clasico war la’aan waa kulan kubada cagta ah oo ugu weyn caalamka sida uu sheegay Jose Mourinho:

“Marka ay Madrid la ciyaaryso Barcelona, adduunka oo dhan ayaa joogsada” ayuu yiri Mourinho.

“Waa kulan aan jecelnahay inaan ciyaarno, kaliya aniga kaliya ma ahan, laakiin hubaashii iyaga xitaa waa jecel yihiin, xaqiiqdii waa wax ka badan kulan caadi ah oo horyaal ah.”

Laakiin ninka kasoo horjeeda ee Tito Vilanova ulama muuqato sida uu kulankaan u balaariyey Jose wuxuuna keliya ku koobayaa kulan iyagu ay dhibco ka doonayaan:

“Waxaan ciyaareynaa kulanka kale oo kubada cagta kaasoo sheegi doonaa hadii aan shan, sideed ama 11 dhibcood ka sareyn doono Madrid.”

Siduu adiga kuula muuqdaa El Clasico? Fikirkaaga inoo sheeg.

Labada koox ayaa mid waliba u hardameysaa inay gaarto guul, Real kama daadegi doonto bareejo fikirkeedu waa inay ku badisaa Camp Nou, sababtoo ah sideed dhibcood ayey ka dambeysaa kooxda ay xafiiltamaan.

Iyadoo ka war heysa in Horyaalkii sanadii hore ay ku weysay gurigeeda tiiyoo ay Super Cup Spain uga soo tageen guriga Real Madrid, Barcelona ma aqbali karto guul darrado kasoo gaarta Camp Nou.

Si kastaba ha ahaatee waxa aan sugnaa waa waqti kooban oo 90 (Sagaashan) daqiiqo ah, oo ay labada koox garoonka ku wada jiraan.

Balse akhriste sideey kuula egtahay adigoo kaashanaaya Qibrada aad kulankaan u leedahay.

Ma Barcelona ayaa guul gaari doonta, mise Real ayaa sedaxda dhibcood kasoo fara maroojisan doonta, mise waa isku garba dhici doonaan.?

Saadaashaada kulankaan inoo sheeg, hadii aad haleesho saadaasha saxda ah ee goolasha la iska dhalinaayo kulankaan waxaan kugu soo qori doonaa warbixinta natiijada ciyaarta.