Faalo xiiso badan: Galmudug, Guuleed ka dib

Gobollada Galgaduud iyo Mudug waa meel ay ku noolyihiin beelo aad u badan. Waxaa si siman uguwada dega, inta badan beelaha Soomaaliyeed. Waa dhul ay ilaha dhaqaaluhu ku yaryihiin, intiisa badan hadda ka hor dalag wax ku ool ah lagama soo saarin, dadkuna baddiyaa waxay ku tiirsanyihiin xoolaha iyo ganacsiga.

Gobolladan waxaa la sheegaa, in ay saameynta ugu ballaaran ku leeyihiin nabadda iyo colaadda Soomaaliya, waxaa ka soo jeeda siyaasiyiin iyo hoggaamiyayaal caan ah, oo dalka soo maray. Galmudug waxay ka soo daashay dagaallo sokeeye, abaaro joogta ah, ka la qaybsanaan maamul.

Dhisiddii maamulka Galmudug waxaa laga soo maray dhib iyo is jiijiid badan oo muddo dheer qaatay. Aqristoow xasuuso intii jeer ee uu madaxweyinii hore Xasan Shiikh arrintaas darteed ugu laalaabtay Dusmareeb.Ugu danbeyn cadaado ayaa la isugu tegay, waxaana lagu dhisay maamulkii uu Guuleed madaxda ka noqday, doorashadii Cabdikariin oo dowladda dhexe lagu eedeynayay, in ay gacan musuq ku lahayd, dadka reeg Galmudug inta badan rejo beel ayay ka dhigtay, maxaa yeelay, wuxuu ahaa nin horay loo soo tijaabiyay.

Guuleed malaha, markii horaba ujeedkiisu ma ahayn, in uu wax qabto, mana isku shiddeyn, in uu caqabadaha horyaallay xal u helo.Markii la doortayba dad badan way u muuqatay, in uusan Galmudug guri doog ah geyn doonin, ugu danbeynna wuxuu isu casilay arrimo la xiriira caafimaadkiisa – inkasta oo ay xildhibaannada Galmudug qaarkood horay u sheegeen, in ay xilka ka qaadeen -.

Guuleed ka dib: Wixii ka dabeeyay is casilaaddii Madaxweyne Guuleed, Galmudug ifafaalo fiican kama muuqdo; baarlammaankii waqti ayuu u qabtay doorshada madaxweynaha, taas oo ah 10 ka April, raysul wasaare Kheyre na wuxuu codsaday, in doorashada dib loo dhigo, dadki deegaanku waa ka la qaybsanyihiin, oo muqaafaqo ma jirto.

Haddaba,iyada oo la xeerinayo xaaladaha adag, ee dalka ka jira guud ahaan, gaar ahaanna Galmudug, waxaa habboonaan lahayd:

  • Dib u dhigista doorashada, maadaama uu dalku ku jiro xaalad abaar oo aad u daran, waxaa wanaagsan, in xildhibaannadu ay si furan u fekeraan, ugu yaraanna ay dib u durjiyaan doorashada madaxweynaha muddo laba bilood ah.
  • Dib u heshiisiin: Galmudug waxaa ka jira, kuna soo laalaabtay, dagaallo beeleedyo, dhib badan u geystay dadka deegaanka, dagaalladaas weli si dhab ah loogama heshiin, marka waxaa khasab ah, in xoog badan la isugu geeyo daminta colaadaha deegaanka ka taagan,shacabkana xaalkiisa la ogaado, laguna dadaaalo, in la dhiso maamul daboola baahida dadka.
  • Siyaasadda oo laga heshiiyo: waxaan ognahay sida uu xalka gobolku yahay iyo sida siyaasadda la isugu qilaafsanyahay; caasimaddii Galmudug waxaa haysta Ahlusunna, oo aah urur hubeysan, xoog leh taageera badanna deegaanka ku leh. Waxaa lagama maarmaan ah, in Ahlusuuna/maamulka gobollada dhexe lala furo wadahadal masiiri ah, oo ku saabsan mustaqbalka deegaanka.Waxaa cad, in Ahlusunna aan laga maarmidoonin, haddii la rabo, in la dhiso maamul taya leh, oo la isla oggol ayahay.
  • Sooyaalka oo wax laga barto: shalay ayaa la dhisay maamul fadhiid ah, oo aan caasimaddiisii tegi karin; waxaa la iska indha tiray maamul xoog leh caasimaddiina jooga, Guuleed iyo maamulkiisiina halkii lagu yagleelay ma dhaafin.

Dadka reer Galmudug waa in ay indhaha furaan, aysanna mar kale qaadin waddo aan ceel tegi doonin. Dowlad cusub ayaa la dhisay, oo malaha wadaaddada Dusmo reeb joogaahi ay hadda xiisa yar u hayaan, waxaadna mooddaa, in shiikh Shaakir uu Farmaajo iyo maamulkiisa rejo ka qabo, in uu ugu yaraan wadahadal la furo, fursaddaas waxaan u arkaa mid ay dan weyne ugu jirto reer Galmudug, sidaas darteed, ayaan qabaa, in maamul cadaado laga dhisaa uusan micno badan yeelanayn, haddii uusan Dusmo reeb, Xeraale iyo Caabudwaaq si buuxda uga shaqeyn karin.

IFIN: qormadan markii u horraysay waxay ku soo baxday WARGEYSKA GOBOLLADA DHEXE bishiisan ABRIIL.

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com