Faarax C/Qaadir, GOODAX iyo JAWAARI oo si wada jir ah isugu raacay in dib…

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wasaaradda Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax Barre iyo Guddoomiye Jawaari, ayaa si wada jir ah u taageeray daallada dib u eegis loogu sameynayo dastuurka Somalia.

Kulan wada tashi ah oo ay soo wada qaban qaabiyeen Wasaaradda Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa looga hadlay dib-u-eegida Dastuurka KMG ah ee Dalka, waxaana kulankaas ka soo qayb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Gudiga madaxa banaan ee dib u eegista Daastuurka, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Agaasimayaal ka kala socday Wasaaradaha,

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka mudane Farax Sheikh Cabdulqaadir oo ka hadlay xafladii furitaanka ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in la dadejiyo dib u eegis dhamaystiran oo lagu sameeyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. “Waxaa dib-u-eegista Dastuurka loo xil saaray Gudiga madax banaan oo ka kooban Shan xubnood Wasaaraduna waxay lagarab taagan tahay taageero nooc kasta ah” ayuu yiri Wasiirku oo dhanka kale xusay in magaacabista gudigaan ay ka heleen taageero buuxda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha isla markaan dhaqaale ahaan iyo niyad ahaaba u taageeraan dhamaystirka Dastuurka Dalka, waxaana wasaaradu cadaynaysaa in aysan wax faro galin ah ku samaynayn howsha loo xilsaaray Guddiga Dastuurka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullahi Godax Bare ayaa dhankiisa bogaadiyey howsha u bilaabatay Gudiga iyo sida baarlamaanka Soomaaliya u ansixiyey si ay u guda galaan waajibaadka shaqo, Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in looga baahan yahay wasaarada Cadaaladda iyo dastuurku in ay qaadato kaalinteeda loona fududeeyo gudiga wixii sharciyad ah oo ay u baahan yihiin, shaqaale xirfadlayaal ah oo la shaqeeya iyo dhamaan wixii u sahli kara in shaqadooda ay si wanaagsan u gutaan.

Xiritaankii xaflada ayaa waxaa hadal kooban oo ay ku dheehan tahay guubaabo iyo khibrad ka jeediyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo runtii qayb weyn ka soo qaatay hirgalinta Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

“ Dastuurka Dalku wuxuu soo maray maraaxil kala duwan, maantana waxaa furnay xaflada lagu daahfuray sidii dastuurka dalka looga saari lahaa KMG, waxaana wasaaradu u xilsaartay shaqadaas Aqoonyahano Soomaaliyeed oo shacab iyo dowladba aan kalsooni ku qabno, waxaan gudiga ka rajaynaynaa in ay si caddaladi ku jirto u gutaan shaqaadooda. shacabka Soomaaliyeed waxay ka dhursugayaan sidii dalka loogu samayn lahaa Dastuur dhamaystiran, waxaan ilaahay subxaana watacaala uga baryeeynaa inuu idinla garab galo shaqada weyn ee laydin xilsaaray, waxaan balan qaadaynaa in Baarlamaanku idinla garab istaagayo wixi taageero ah oo aad u baan tihiin” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanku.

Kulankaan oo ahaa mid afur ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha JFS, Gudoomiyaha, Ra’iisul Wasaaraha, Gudiga Hoosaadka Siyaasada ee Golaha Wasiirada, ayaa waxaa u jeedkiisu ahaa in lagu dhiiri galiyo gudiga madaxa baanaan ee dib u eegista dastuurka, loona muujiyo in qaybaha kala duwan ee dowladu ka kooban tahay ay garab taagan yihiin howshan culus ee loo igmaday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com