Maxaa ka cusub xaaladda MUQDISHO?

Muqdisho(Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ay caadi ka noqdeen dilalka ayaa waxaa maanta ka dhacay dilal loo geystay masuuliyiin dowlada ka tirsan.

Dilka koowaad ayaa saaka ka dhacay xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in lagu dilay shaqaale ka tirsan wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya.

Kooxaha dilka ka geystay degmada Wadajir ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, waxaana kadib baaritaano halkaasi ka sameeyay ciidamada dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa askari maanta ku dilay suuqa bakaaraha gaar ahaan agagaarka Cabdalle Shideeye halkaasi oo la sheegay inuu ku sugnaa askariga dilka loo geystay.

Waxaana goobta sida caadiga aheyd isaga baxsaday dadka ka dambeeyay dilka askarigaasi ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in dhaawac uu soo gaaray masuul ka tirsan maamulka gobolka.

Masuulkaasi oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Kaanti ayaa la sheegay in qaraxa loogu xeray garigiisa, waxaana soo gaaray dhaawac daran, waxaana dhaawaciisa loosoo qaaday magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com