Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan dadku ay isla dhexmarayeen in Xildhibaan Faarax C/qaadir uu yahay Musharax u taagan qabashada madaxtinimada Somalia ayaa waxaa soo baxaaya warar ku saabsan arrintaasi oo uu shaaciyay Xildhibaanka.
Xildhibaan Faarax C/qaadir oo dhinacyo badan uga hadlay Wareysi uu bixiyay ayaa sheegay inuu la socdo in inta badan lagu xanto inuu yahay Musharax islamarkaana saaxiib dhow la yahay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh.
Faarax waxa uu qiray in Xassan Sheekh ay yihiin saaxiibo isku dhow, balse uusan kala dhexeyn arrin muujineysa inuu faragaliyo howshiisa ama amarkiisa uu noqdo mid saameyn ku leh dalka.
Faarax C/qaadir wuxuu tilmaamay in Dowladda ay ku dadaalayso Doorashada inay dhacdo maalinta ugu dambeysa ee waqtiga Dowladda uu ku eeg yahay, islamarkaana taasi ay tahay mid wanaagsan.
Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sidoo kale ka hadlay caqabadaha suuragalka ay tahay ee ka hor imaan kara Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo.
“Waa sax waxaa jira waxyaabo na xadidaya Dastuurkeena Mushkilad KMG ah ayuu qabaa oo in laga gudbo u baahan oo in dib loo eego u baahan , Dhaqankeena Siyaasad Mushkilad buu qabaa oo hada Qabiil ayuu ku saleysan yahay oo aanan saamaxeyn dad badan oo waxgarad ah inay isgarab socdaan”
Xildhibaan Faarax C/qaadir oo wax laga su’aalay wararka sheegaya inuu yahay Musharax u taagan qabashada Xilka Qaran, ayaa sheegay in arrinkaasi uu yahay mid waxkama jiraan ah, islamarkaana uusan aheyn musharax xiligaani diyaar u ah inuu qabto Xilkaasi.
”Anigu maahi musharax, balse waxaan ku faraxsanahay in doorashada aysan xiligeeda dhaafin, waxaa igu filan in maanta ay Baarlamaanka soo xulayaan dhowr iyo toban kun, Muqdisho kaliya aan la isugu imaaneyn oo magaalooyinka kale la isugu imaanayo”
Xildhibaan Faarax waxa uu sidoo kale iska fogeeyay inuu doonaayo in Madaxweyne uu ka noqdo Maamulka loo dhisi doono Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa uuna tilmaamay in Hamigaasi uusan qabin.
Haddalka Faarax C/qaadir ayaa imaanaya iyadoo inta badan dadka Soomaaliyeed ay dhaliisha ku badiyeen Faarax oo ah Xildhibaan ka tirsan BFS miisaana ku dhex leh Dowlada hadda jirta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

