27.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Xog: Khilaaf ka dhex curtay Xasan iyo Faarax..!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Khilaaf cusub uu iminka ka dhex curtay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan Faarax C/qaadir.

Wararku waxa ay sheegayaan in Khilaafka uu ka dhashay qaabka uu Xassan Sheekh u wado ololaha iyo qabsoomida doorashada dalka ee la filaayo inay dhacdo dabayaaqada sanadka aan ku jirno.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa la sheegay inuu baalmaray qodobo ay horay isla meel-dhigeen Xildhibaan Faarax C/qaadir oo saaxiib dhow la ah, taasi oo salka ku heyso wadada loo maraayo doorashada.

Faarax C/qaadir ayaa ka soo horjeeda in Xassan Sheekh uu ictiraafo in Odayaal cusub ay ku lug yeeshaan soo xulista Baarlamaanka Cusub, halka Xassan uu isna ku doodaayo in wada hadal cusub ay la furi karaan Odayaasha cusub, halka kuwii horay usoo xulay Baarlamaanka hadda jira ay yihiin kuwo fog.

Sidoo kale, Khilaafka ayaa dhashay kadib markii Xassan Sheekh xubnaha u qaabilsan ololaha doorashada uu kusoo daray xubno aan raali ka aheyn in Xassan uu mar kale Madaxweyne ka noqdo dalka kuwaasi oo xiligaani juhdi galinaaya in Xassan uu ku fashilmo doorashada.

Khilaafka ayaa sidoo kale ka dhashay xiliga ay DFS ku dhawaaqi doonto ololaha doorashada, waxa uuna Xassan Sheekh doonayaa in is diiwaan-galinta Musharaxiinta uu iclaamiyo wakhti ay doorashadu dhowdahay taasi oo u muuqata in Xassan uu damacsan yahay qiyaano Siyaasadeed.

Sidoo kale, waxaa jira qodobo kale oo labadaasi mas’uul ay isku khilaafsan yihiin kuwaasi oo aan iminka lagu muujin karin qoraal sababo la xiriira saameynta qodobadaasi ay ku yeelankarto Siyaasada dalka oo adag.

DFS ayaa iminka dhex dabaalaneysa xili gabagaba ah, waxaana xiligaani meesha ka baxeysa kalsoonida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News