Faarax Macallin: Gaas iyo Axmed Madoobe waa khaa’inul waddan, xabsi ha la dhigo

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamanka Kenya Faarax Macallin ayaa weerar ku qaaday madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Axmed Madoobe.

Faarax Macallin ayaa ka jawaabayey socdaalkii dhowaan labadaas madaxweyne ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta, ayaga oo dowladda dalkaas ka taageeraya khilaafka kala dhaxeeyda dowladda federaalka.

Qoraal bartiisa Twiter uu soo dhigey Faarax Maalim ayaa waxaa uu ku tilmaamey iney yihiin Khaayinul Wadaniyiin labadda maamul Madaxweyne (Gaas iyo Madoobe) oo waqtigaan booqasho ku jooga dalka Imaraadka Carabta.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamanka Kenya ayaa qoraalkiisa uu soo dhigey bartiisa Twitter ku sheegey in labadaan Madaxweyne ay tahay in maalin uun la horkeeno Maxkamad. Faarax ayaa qoraalkiisa Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre kaga codsadey in talaabo deg deg ah ka qaadaan labadaan hogaamiye.

Faarax Macallin ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ay ku weyn tahay Soomaalinimada, kana soo hojeeda faro-gelinta shisheeyaha ay ku hayaan arrimaha dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com