“Somalia ayaa saameyn ku yeelatay ciidamadii loo diri lahaa Syria” Waxaa yiri…

Qaahira (Caasimada Online) – Muhanad Al-Daahiri oo ah qoraa iyo Falanqeeyo Arrimaha Bariga Dhexe ayaa sheegay in Dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Turkiga ay saameyn ku yeesheen qorshaha Mareykanka uu ku doonayo in Ciidamo Carbeed uu ku geeyo Dalka Syria.

Waxa uu sheegay in Mareykanka uu doonayo in uu badalo Wajiga Siyaasadeed uu ku wajahayo Wadanka Syria, Ciidamada Wadamada Isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo uu damacsan yahay in uu ka qeyb galiyo Dagaalka ka socda Syria.

Sababaha ay dalalka Soomaaliya ay kamid tahay ay saameynta ugu yeelatay waxa uu ku sheegay Xirirka Imaaraatka ay la leeyihiin oo maraya Heerkii ugu horeesay, saameynta ka dhalatayna wadamada Carbeed laga dareemayo.

Sudan waxa ay iyanna qaadatay go’aan dhabar-jebin u noqon kara Howlgalka Isbaheysiga Sacuudiga Yemen, maadaama ay ku dhawaaqday in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Yemen.

Turkigana waxa uu ku sheegay in Ciidamadiisa ay ku sugan yihiin Waqooyiga Syria, siyaasad ka duwan Xulufada Sacuudiga uu wato, waxa ayna ku xaglinayaaan dhanka Qadar.

Dr.Muhanad Al-Daahiri ayaa intaa ku daray in arrintaan ay sii cakireyso Xaaladda Dalka Syria iyo Siyaasadda Reer Galbeedka ay ku doonayaan in Wadamada Carbeed ay isaga dhex baxdo.

“Awoodda Ciidamada Mareykanka ee Syria marka aan ka hadalno waxa uu ku bixiyay Dhaqaale Badan, Sacuudiga ayaa geliyay Dhaqaale iyo Dadaal badan, sidii loo aas-aasi lahaa Cidiamo xooggan si uu ugu adeegsado Dagaalada Yemen, Qodobka labaad ayaa ah in Ciidamo badan ay kaga sugan yihiin Yemen.

Ugu horreyn waa joogitaanka hoggaamiyeyaasha Masar ee dabeecadaha qaranka iyo Carabta ee diideysa in ay fara geliyaan gudaha Dalka Syria, marka labaad waa joogitaanka Turkiga ee Ciidamadooda kasoo gudbay Xuduudaha ee Colaadda Xooggan faraha la galay, Joojinta Taageerada Milatariga Imaaraatka ee Soomaaliya iyo Sudan, Xiriirka Dhaqaale ee Eretereeya iyo Taageerada Turkiga ee Ururka Ikhwaanul-Musliim ee uu kasoo horjeedo Madaxweyne Al-Siisii”.

Fariintii Sacuudiga ee Qadar ugu jeediyeen in ay bixiyaan Qarashka ku baxaya Ciidamada Mareykanka ee Syria jooga, hadii kalana ay faragelin toos ah ku sameynayaan ayaa u muuqata Qorshaha Mareykanka uu ku doonayo in Dagaalka Syria kusii daba dheereeyo.

Isha Warkaan:- Al-Alam News Network.