Xog: Howlihii safaarada Imaaraadka ee Muqdisho oo hakat galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xogtu nagu soo gaareyso waxaa si KMG ah loo hakiyay dhammaan shaqooyinkii ay dowlada Imaaraadka carabta ka dhexwaday Safaaradeeda Somalia.

Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in dowlada Imaaraadka carabta ay si KMG ah usii joojisay shaqooyinkii ka dhex socday Safaaradeeda magaalada Muqdisho.

Amarka lagu sii hakinaayo shaqooyinkii ka dhex socday Safaarada ayaa la xaqiijiyay inuu kasoo baxay Wasiirka arrimaha dibadda isutaga Imaaraadka carabta.

Wasaarada arrimaha dibada Imaaraadka ayaa ka dhowr sugeysa isbedel ku imaada khilaafka kala dhexeeya dowlada Somalia.

Sidoo kale, Dowlad Imaaraadka ayaa sidoo kale si KMG ah Muqdisho kala dhex baxday diplumaasiyiinteeda kuwaa oo dalka kasii maqnaan doona inta laga hagaajiyo xiriirka labada dal.

Dowlada Somalia ayaa kabiya diidan in dowlada Imaaraadka carabta ay ku tagrifasho Qaranimada Somalia, taa oo sabab u noqotay in labada dal ay ku heshiin waayan.

Ma cadda dhabaha ay dowlada Imaaraadka carabta u mari doonto xalinta xiisada Siyaasadeed eek ala dhexeysa dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com