Waa Sidee Rajadda Lafta Gareen ee Doorashada gudoomiyaha Baarlamanka ?

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa u muuqda ninka qura ee buuxiyay dhibcaha looga baahan yahay qofka hogaamin doona Baarlamanka Somalia saddexda sano ee soo aadan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia iyo cabqariyiin siyaasadeed ayaa u sheegay Caasimada Online in Lafta Gareen uu yahay nin aan dhinacna loo xaglin karin marka la eego musharaxiinta kale.

Qaar musharaxiinta ka mid ah waxaa muuqata iney wadato xukuumada, mid waxaa wata Shariif Xasan , midna Emirate-ka Carabta.

Cabdicasiis Lafta Gareen waa ninka qura ee aan ilaa hada cidna lagu tirin iney wadato.

Dad xogogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in Cabdicasiis Lafta Gareen uu heli karo wax ku dhow 100 cod wareega hore ee doorashada.

Waxaa loo arkaa nin isku soo celin kara xubnaha Baarlamanka oo aragti ahaan aad u kala fogaaday maalmihii lasoo dhaafay.