Daawo: Salaad Cali Jeelle “Madaxda waa ku qasab inay Imaaraat-ka…”

Muqdisho (Caasimada Online) -vSiyaasi Salaad Cali Jeelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duulaanka uu Imaaraadka ku yahay sharafka dowlada iyo shacabkeeda Soomaaliyeed.

Salaad Cali Jeelle, ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka ay wanaag u aheyd Somalia, hase ahaatee wanaageeda uu isku bedelay dhibaato iyo ka shaqeynta burburka Somalia.

Wuxuu arrin layaab leh ku sheegay in Imaaraadka uu isku dayay in dowlada Federaalka uu ka hormariyo maamul Goboleedyada, hayeeshee taasi ay nasiib darro u tahay Somalia, isla markaana lagu khasbanaaday in loo gaabiyo xiriirka.

Waxa uu Salaad Cali Jeelle arrin aad u khaldan ku sheegay in dowlada Imaaraadka ay sida ay doonto ka yeesho Somalia, waxa uuna tusaale usoo qaatay Heshiiska Berbera oo lala baalmaray dowlada Federaalka.

Waxa uu Salaad Cali Jeelle, cod dheer ku sheegay in dowlada Somalia ay ku taageersan yihiin go’aanka ay ku eryisay Imaaraadka isla markaana ku gaabisay xiriirkii Siyaasadeed ee kala dhexeeyay Imaaraadka.

‘’Bacdamaa uu Imaaraadka ku kacay talaabooyin khaldan waxaa ku taageereynaa dowlada inay qaado talaabo waliba oo lid ku ah Imaaraadka carabta’’

‘’Imaaraadka waxba uma reeban Somalia waayo waxa ay noola dhaqantay sida meel aan ka jirin nidaam dowladeed, waxa ay dowladu ku khasbanaatay inay fal celiso, hade fal celiska ayey Imaaraadku ka xanuunsadeen’’

Salaad Cali Jeelle, waxa uu dowlada Somalia ugu baaqay inay ilaaliso sharafka dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ay mas’uul ka tahay, waxa uuna ku taliyay inaan laga gaabin ka fal celinta go’aanada lamid ah kan ay qaadatay Imaaraadka.