Halkee ayuu marayaa loolanka musharaxiinta xilka gudoomiyaha BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si xooli ah uga socda ololaha doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ooh al maalin ay ka harsan tahay.

Ololaha xooligiisa ayaa ka socda Xarunta Villa Somalia iyo Hoteelada Muqdisho oo siyaabo kala duwan ay ugu kulmayaan Musharaxiinta u taagan xilka iyo Xildhibaanada baarlamaanka.

Musharaxiinta ku loolameysa doorashada ayaa siyaabo kala duwan u shirineysa Xildhibaanada la doonaayo inay codka ka helaan, waxaana marba marka xigta sii xoogeysanaaya ololaha socda.

Musharaxiinta qaarkood ayaa casuumaado gaargaara u sameynaaya Xildhibaanada iyadoo uu u jeedka ugu weyn yahay inay ka helaan codka kalsoonida.

Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhammaantood mid kasta oo ka mid ah waxa uu sheegay in uu doonaayo in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixiin ilaa 11 gaaraya oo dhammaantood xildhibaano ah ayaa xilkaas u taagan kuwaas oo qaarkood iska casilay xilal Wasiirnimo oo muhiim ahaa sida Wasiirkii Gaashaandhigga oo uu iska casilay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Xubno wasiiro ku xigeen ahaa.

Guddiga doorashadda ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, ololahaani ayaa imaanaya kadib markii 9-kii bishan April uu xilka iska casilay Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com