Kheyre, Muudey, iyo Shariif Xassan oo xalay xildhibaannada ka codsaday in ay doortaan…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbaahinta Caasimada ayaa xog faahfaahsan ka heshay kulamadii u dambeeyay ee xalay ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarunta Villa Hargaysa, kulamadaasi oo la xiriiray cidda noqonaysa  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa xalay markii ugu horreysay xildhibaannada Soomaaliyeed qaar kood, gaar ahaan kuwa taageersan Nabad Iyo Nolol shirar kale duwan la qaatay R/wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Muudey Iyo Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan.
In kastaa kulamadaasi ay ka dhaceen goobo kale duwan Iyo wakhtiyo kale duwan oo isla xalay ah, hase ahaatee waxaa nuxurku uu ahaa in Xildhibaannada lagu qanciyo in ay Doorashada dhacaysa 2 barri kaddib Guddoomiye u doortaan Murashax Maxamed Mursal.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada oo aan xiriir dhow la sameynay ayaa noo xaqiijiyay in ay ku gacan seeren soojeedintaas, ayna shaaciyeen in ay u madax banaan yihiin go’aankooda, Iyo masiirka Golaha shacabka cidda matalaysa.
Waxaan weli la ogayn halka uu arrintaan ka taagan yahay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaase warar kale ay sheegayaan in Madaxwaunuhu xalay hishiisiiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Muudeey, Iyo G/kuxigeenka 2aad ee Golaha Mahad Cawad.
Kulanka uu Madaxwaynuhu ku hishiisiiyay Labada Guddoomiye kuxigeen ayaa nuxurkiisu ahaa in ay isku tanaasulaan, bacdamaa Mudane Muuday uu u Ololeynayay Murashax Maxamed Mursal, Halka Mahad Cawad-na uu watay Murashax Xaaji Cali. Muhiimada hishiisiintooda ayaa la xiriirtay in ay isku raacaan hal Murashax oo ay ku midaysan yihiin. Waxaana loo badinayaa in ay kuwada qanceen Maxamaed Mursal.
Dhinaca kale – Waxaa durba soo if baxday in Xildhibaannadii iyo Siyaasiyiintii isku aragtida ka ahaa in xilka laga qaado G/hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari in xilligaan ay ku kala aragti duwanaadeen cidda noqonaysa Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Waxaa durba bilaabatay guux iyo sawaxan xooggan oo la xiriira taageerada ay u mujiyeen Kheyre, Fahad, Iyo Shariif Xassan Musharaxa lagu magacaabo Maxamed Mursal. Balse waxaa soo if baxday in ay taageradaas ku waayeen xubno tiro badan oo Baarlamaan ah, kuwaasi oo aragti ahaan ay ku midaysnaayeen Kalsooni kala noqoshada Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Mudane Jawaari.
Wixii warar ah oo kasoo kordha kala socda dib ayaan idinka soo gudbin doonaa.