Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax gaari ayaa waxa uu Saaka ka dhacay degmada Waabari, gaar ahaan Xaafadda Unicef ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid laga wada maqlaayay inta badan degmooyinka kale ayaa ka dhashay Qarax lagu xiray gaari uu la socday wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa shaqaalaha dowlada.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen ilaa iyo laba ruux oo la sheegay in mid uu yahay taliye ku xigeenka Ciidamada Nabadsuggidda degmada Waabari iyo Mid kale oo isna goobta ku sugnaa.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ka badbaaday ruuxii loogu soo xiray Gaariga oo xiligaa ahaa mid dhulka usoo dagay, isla markaana ay ciidamadu ka shakisanaayen Gaarigiisa.

Sida caadaduba aheyd Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada Miini baarista iyo Ciidamo kale oo hubeysan kuwaa oo baaritaan kula dhaqaaqay Gaariga iyo Ruuxii lahaa ee Qaraxa loogu xiray.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu Qaraxaani kusoo beegmayaa iyadoo maalmahaani ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen Qaraxyo lagu soo xiro gaadiidka Raaxada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com