Qadar oo qirtay jab ka soo gaaray xayiraada ay kusoo rogeen xulufada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa shaaca ka qaaday inuu saameyn dhanka dhaqaalaha ah uu ku yeeshay go’aankii dowladaha Xulafada la’ah Sacuudiga ay ku mamnuuceen duulimaadyada diyaaradaheeda.

Qadar ayaa sheegtay inay la kulmayaan dhaqaale lumin baaxad weyn, kadib markii ay meesha ka baxeen magaalooyin badan oo ay u kala gooshi jireen diyaaradahooda.

Agaasimaha shirkada Qatar Airways Akbar al-Baker ayaa qiray in saameyn xoogan uu ku yeeshay go’aanka duulimaadyadooda looga mamnuucay hawada Xulafada Sacuudiga.

Akbar al-Baker, waxa uu sheegay in xisaab xirka sanadkii tagay ay ka muuqato in shirkadooda dhaqaale badan lumisay, isla markaana sare u kacday kharashka ay galeen halka hoos uu u dhacay fa’iidadii ay filayeen.

Akbar al-Baker, ayaa ka gaabsaday inuu carab dhabo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha shirkadaasi soo gaaray sanadkii tagay, hase ahaatee waxa uu cod dheer ku sheegay inuu jiro khasaaro xoogan.

Akbar al-Baker, waxa uu sidoo kale qiray in Shirkada Qatar Airways ay lumisay duulimaadkii ay ku tagi jirtay 18 magaalo oo ku kala yaal dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga, Masar iyo Baxreyn.

Sidoo kale, Akbar al-Baker, ayaa ku nuux-nuuxsaday in khasaaraha jira ay la wadaagi doonaan madaxda ugu sareysa dowlada si ay u galiyaan dhaqaale cusub.

Si kastaba ha ahaatee, qeyla dhaanka dowlada Qadar ayaa imaaneysa kadib markii dalalkaasi xayiraada saareen dalka Qatar bartamihii sanadkii tagay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com