Qarixii Gaalkacyo oo lagu dilay taliyihii ciidamada isku dhafka iyo saraakiil kale

Gaalkacyo-(Caasimadda Online) – Faah faahino dhaaraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Puntland.

Sida ay soo sheegayaan goobjoogayaal ku sugan Gaalkacyo waxaa qaraxan fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa  waxaana uu isku qarxiyey goob ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan.

Wararkii ugu ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaas lagu dilay taliyihii Ciidamada isku-dhafka ee Gobolka oo ay dowladda Soomaaliya u sameysay Gaalkacyo oo lagu Magacaabi jiray Cor, Xorreeyye iyo iyo Sarakal kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Qani Axmed Geyre halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Qaraxan oo ka dhacay xaafadda Xero siinaay ayaa kadib waxaa la maqlay rasaas badan oo kor u dhaceysa waxaana goobta soogaaray ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland kuwaas oo goobta xiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com