Madaxda ugu saraysa dalka oo isku khilaafsan musharaxiinta xilka guddoomiyaha BF

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Iyadoo uu sii xoogeysanayo ololaha loogu jiro xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa sii xoogeysanaya tartanka loogu jiro xilka uu banneeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

11 musharax ayaa u taagan xilkan, waxaana ugu cadcad ilaa 3 musharax oo ay kala taageersan yihiin xildhibaanada Baarlamaanka iyo xafiisyada Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, iyadoo doorashadan ay noqotay tii ugu cusleyd ee xilkan loo galo laga soo bilaabo shirkii Carte ee 2000.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay taageersan tahay musharax Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali) oo ay dooneyso inuu xilkan ku soo baxo, laakiin Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhinaciisa taageersan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo iska casilayu xilka Wasiirka Gaashaandhigga.

Arrintan ayaa salka ku heysa xaaladda siyaasaddda dalka iyo aragti kala duwanaasho ka dhex jirta labada xafiis, iyadoo markii hore ay wada taageerayeen wasiirka Gaashaandhigga, basle markii danbe ay arrintaasi isbedeshay, waxayna wararka qaar sheegayaan in taageerada Xildhibaan Xaaji Cali ka mid tahay heshiis lala galay Guddoomiyihii hore ee Jawaari.

Musharax Ibraahim Isaaq Yarow ayaa la sheegay inuu taageero ka heysto xildhibaanadii Qabyo iyo kooxo kale oo uu ka mid yahay xubnaha ugu cadcad ee u tartamaya xilka guddoomiyaha Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com