Dhaqtarkii Mareykanka ka saaciday dilkii Usama Bin Laden oo la geeyay xabsi qarsoodi ah

Peshawa-(Caasimadda online) – Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in Dhaqtarkii Hay’adda CIA-da Mareykanka ka saaciday dilkii Usama Bin Laden laga bixiyay Xabsi ku yaalla Gobolka Peshawar ee dalka Pakisan lana geeyay meel amaan ah.

Saraakiisha Dowladda Pakistan ayaa ehelka Dr Shakil Afridi  u sheegay in laga saaray Xabsiga dhexe ee Peshawar dowladduna ay geysay meel amaan ah oo aanay naftiisa qatar ku galayn.

Shakil Afridi waxaa lagu xukumay 33 Sano oo Xabsi ah waxaana uu u xiranyahay dowladda Pakistan oo ku eedeysay in uu sirdoon shisheeye kala shaqeeyay dilka Usama Bin Laden oo gudaha Pakistan joogay.

Dowladda Pakistan waxaa ay sheegtay in Dhaqtarka naftiisa ay ugala cabsatay Ururka Daalibaan oo ku xooggan Gobolka Peshawar ee Waqooyiga Pakistan sidaas darteedna Hay’adda sirdoonka Pakistan ee ISI ay ku heyso xabsi qarsoodi ah oo ka baxsan Gobolka.

Jamil Afridi, oo ah Nin la dhashay Dhaqtarka ayaa sheegay in dowladda ay ku wargelisay in walaalkii laga kaxeeyay Xabsiga dhexee Peshawar lana geeyay goob ay dowladda amaankeeda gacanta ku heyso.

Ciidanka gaarka ah ee Mareykanka ayaa waxaa ay Bishii May ee 2011ku dileen Usama Bin laden Magaalada  Abbottabad waxaana dilkaas fududeeyay Dr Shakil Afridi oo ka mid ahaa shaqaalaha Caafimaadka ee ka hortagga Cudurka Dabeysha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com