Kutladii Horusocod ee xildhibaanada mucaaradka oo dib loo  soo nooleeyey iyo Xiddig oo meesha laga saaray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibannada kooxda qabyo ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dib u soo nooleysay Kutladii Hore-u-socod ee mucaaradnimada ku bilowday dowladda Soomaaliya xilli ay 3 bilood xilka heysay.

Kutladan oo magaalada Nairobi lagu dhisay ayaa u socon weyday waaqic ka hor yimid, kadib markii si weyn ay shacabka uga hor yimaadeen, waxaana guddoomiye u ahaa xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig, waxayna markii danbe u noqotay mid magaca ahaan u jira.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay kala qeybsameen xildhibaanadii kooxda Qabyo, iyadoo guddoomiyihii kooxdan C/rashiid Xididig iyo koox kale ay la safteen kooxdii waday mooshinka Guddoomiye Jawaari, waxaana la sheegay in guddoomiye cusub loo sameeyay Kutladii Hore-u-socod.

Guddoomiyaha Kutladan ayaa la sheegay in laga dhigay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, halka Guddoomiye kuxigeen aan hore u jirin laga dhigay Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyadoo Xoghaye uu noqday Xildhibaan Cali Cabdi Cusmaan (Caliyow).

Horaantii bishii April ayay aheyd markii C/rashiid Xidig iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay ku kulmeen dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, taasna ay keentay kala shakiga xubnaha Kudlada Horusocod oo soo dedejisay in Hoggaan cusub ay doortaan.

Lama oga hoggaankan cusub Kudlada Horusocod waxaa uu ku soo kordhin doono mucaaradadii horay u jirtay ee Xukuumadda iyo Madaxtooyada kala kulmayeen Xildhibaanada aan siyaasad ahaan taageersaneyn labada xafiis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com