Musharax Shariif Abdullahi oo lacag ugu deeqay 17 jirada Somalia ee gaaray final-ka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Shariif Abdullahi oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka gudoomiyaha golaha shacabka ayaa lacag $1,000 dollar ah ugu deeqay xulka 17 jirada Somalia ee gaaray final-ka tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa.

Musharaxa ayaa lacagta ku wareejiyay guddiga #CaawinQaran oo u istaagay iney dhaqaalo aruurin u sameyaan ciyaartooyda 17 jirada Somalia, wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee lacag ku deeqa.

Musharaxaan u taagan Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqday musharaxii ugu horreeyey ee taakuleyn u sameeyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee laga filayo in Magaalada Muqdisho kasoo dajiyaan koobka Bariga iyo Bartamaha Africa.

Sidoo kale waxaa Maanta guddiga #CaawinQaran taakuleyn ku wareejiyey Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, Wariyaha BBC Cabdiriraaq Xaaji Catoosh iyo Shakhsiyaad kale oo caan ah.

Lacagaha ay guddigan aruuriyaan ayaa shaqsi shaqsi loogu qeybin doona ciyaartooyda ka qeyb gashay tartanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com