Guddiga dib u-eegista dastuurka oo war ka soo saaray dastuurkii la sheegay in la xaday

Muqdisho-(Caasimadda Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga Dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ayaa waxaa lagu sheegay in Dastuurka KMG ah ee xilligaan lagu Shaqeeyo uu yahay kan rasmiga ah kadib markii dhawaan uu sheegay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka in la xaday Dastuurkii saxda ahaa.

Waxa ay sheegeen in dastuurkan yahay kii saxd ahaa ee ay ansixiyeen ergada Agoosto 1, 2012, iyaga oo meesha ka saaray in dastuurkii saxda ahaa yahay midkii Todobaadkii hore lo qeybiyey xildhibaannada golaha shacabka.

Guddiga ayaa sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaan in dastuurka hadda lagu dhaqmayo yahay kan saxda ah ee hay’adda dowladda lagu soo dhisay.

Waxaa soo baxayay tan iyo markii uu is casilay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari in dastuurka la xaday.

Dastuurka la xaday ayaa la sheegay in uu qorayo in Madaxweynaha uu kala diri karo baarlamaanka isla markaana uu haynayo xilka muddo shan sano ah.

Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Guddiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com