Maamulka Galmudug oo war kasoo saaray qaraxii maanta ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo-(caasimadda Online) – Maamulka Galmudug ayaa Cambaareeyay cid kasta oo ka dambeysay Qarax ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxaasi  ismiidaamin aha ayaa loo adeegsaday Gaari nuuca loo yaqaano Borobox, waxaana qaraxaas  fuliyay qof naftii hura ah oo la beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan.

Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay 6 qof oo kala ah laba sarkaal iyo afar Askari oo ilaalo u`ahaa Saraakiisha dhimatay.

War-saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa u qornaa sidan:-

Dowlad-goboleedka Galmudug waxa ay ka tacsiyeyneysaa geeridii maanta ku timid allaha u naxa riistee Saraakiishii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka Guul wade Gobolka Mudug oo kooxo dhagar qabayaal ah maanta ku dileen qarax miino oo ka dhacay meel lagu qaxweeyo oo ku taala waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dowlada Goboleedka Galmudug waxa ay Cambaareyneysa cid kasta oo ka danbeysay falkaan foosha xun laguna dilay Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka, gaar ahaan Ururka Guul-wade ee dagan gobolka Mudug, waxaan codsaneynaa in Cadaaladda la hor keeno Cid kasta oo falkaan raad ku yeelata laguna sameeyo baaritaan dhab ah.

Saraakiisha dhimatay waxaa ka mid ah allaha u naxariistee Taliyihii Ururka Guul wade Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed G/Sare Xoreeye, laba ka tirsan saaraakiil ciidan iyo labo ka mid ah Askarta Dowladda.

Waxaan geeridaan xanuunka badan iyo murugadeeda la qeybsaneynaa dhamaan Eheladii iyo Ciidmada xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana allaah uga baryeynaa in uu Naxariistiisa ka waraabiyo .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com