Fadeexad: Wasiirka maaliyadda & ku-xigeenkiisa oo isku haya arrin keentay in lasoo dejin waayo..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka  maaliyada xukuumada SoomaaliyaMaxamed Aadan Ibraahim “Fargeeti” iyo wasiiru dowlaha wasaaradaasi ayaa waxaa hadda ka dhex curtay khilaaf cusub, sida ilo xog ogaal ah ay sheegayaan.

Xogta warbaahinta heleyso ayaa sheegaysa in labada masuul ay isku qabteen cidda qaadeyso canshuurta laga qaado Qaadka la keeno Soomaaliya oo ka yimaada dalka Kenya.

Wararka la xiriira qaadista canshuurta qaadka ayaa waxaa horay u qaadi jirtay Shirkada AD oo uu madax ka yahay xildhibaan Axmed Ducaale Xeef oo baarlamaanka ka tirsan.

Xogta Khilaafka la xiriirta ayaa timid kadib markii warqada Ruqsada ay ka dhacday Shirka AD oo muddo labo sano ah la sheegay iney qaadeysay canshuurta qaadka ka imaanayay dalka Kenya.

Khilaafka, ayaa sii xoogeystay markii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda uu muddo saddex bilood u cusbooneysiiyay Shirkadda AD, rusqaddii shaqada, iyadoona uu si weyn kaga horyimid Wasiirka Maaliyadda.

Arintaasi waxay sababtay in qaad uusan kasoo dagin magaalada Muqdisho maalintii Isniinta ee shalay, waxaase hadda socda dhex dhexaadin ay bilaabeen ganacsatada Qaadka oo faa’ido badan ka hela qaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com