Garoowe (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland, ayaa waxay sheegayaan duleedkeeda inay ka taagan tahay xiisad u dhaxeyso Ciidanka Puntland.
Xiisadaan, ayaa waxay ka dhalatay markii Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed C/weli Gaas uu xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Nabad Suggida Puntlnd, Cabdi Yare. Ciidan taabacsan Cabdi Yare, ayaa xalay waxay ridayeen rasaas si weyn looga maqlaayay Magaalada Garoowe, isagoo saluugsan tallaabada xilka looga qaaday.
Cabdi Yare iyo ciidan uu horkacaayo oo isaga baxay Magaalada Garoowe, ayaa waxay isku uruursanayaan deegaanka Qarxis, ee duleedka Magaalada Garoowe. Waxaana wehlinaaya ciidan daacad u ah Taliyihii Ku Xigeenkii hore ee Booliska Puntland, General Muxudiin Axmed Muuse.
Dhinacyadaan, ayaa waxay deegaanka Qarxiska isku hor fadhiyaan ciidan kaloo ka amar qaata Madaxtooyada Garoowe, waxaana laga cabsi qabaa inay isku dhacaan, walow ay dadaalo soconayaan.
General Muxudiin Axmed Ciise, ayaa taageersanaa inaanan xilka laga qaadin Cabdi Yare, oo inta badan ciidamadiisa ay ilaaliyan hay’adaha uu fadhigoodu yahay Magaalooyinka Puntland.
Gudoomiyaha Magaalada Garoowe, C/laahi Xersi Aw Axmed, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladaasi, ayaa sheegay rasaastii xalay laga maqlay Garoowe inay ahayd mid aan waxba u dhimi karin xasiloonida.
Gudoomiyaha, ayaa diiday wax in laga weydiiyo waxa keenay rasaasta badan ee Magaalada laga maqlay, wuxuuse soo jeediyay wixii arrimaha ammaanka ku saabsan inay Saxaafadda wax ka weydiiso Saraakiisha Ciidamada, balse uu isagu cadeynaayo in nabadgelyada Garoowe ay wanaagsan tahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com