Video: Siilaanyo oo la tuhunsan yahay in maskax ahaan uusan bad qabin kaddib markii shalay…!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaah Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Ayaa shalay dib ugu laabtey magalada Hargeysa kadib markii uu safar gaaban ku tegey xarunta Itoobiya ee Addis-Ababa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa qolka V.I.P loo yaqaano saxaafadda ku siiyey warbixin kooban oo ku saabsan safarkiisi, warbixinta ayaa Madaxweynuhu ka akhrinaayey warqad. Weriyaasha oo isku dayey in ay su’aalo weydiiyaan Madaxweynaha ayaa waxaa ka horjoogsadey isaga (Siilaanyo) oo arakaya Afhayeenka Madaxtooyada Dhuxul iyo Wasiirka Madaxtooada Xirsi Xaaji.

Weriyaasha Somaliland ayaa si weyn uga caroodey in markasta oo Madaxweynuhu hadal u jeediyo aan loo oggolaan in ay wax s’aal ah weydiiyaan,waxay ku tlmaameen in ay tahay xaq ay lee yihiin oo iyagu yihiin kuwii u dhexeeyey isaga iyo bulshada, hadalka uu jeediyeyna gaarsiinaya., waxayna ku tilmaameen in Madaxweynuhu afduuban yahay. Weriyaasha ayaa sheegey in aysan dib danbe wax uga tebin doonin Madaxweynaha Somaliland, hoos ka daawo.

Muddo hore ayaa u danbeysey Madaxweynaha Somaliland oo bixya waraysi Fool-ka-Fool ah, waxaana shacabka Somaliland is-weydiinayaa maxay tahay sababta Madaxweyaha loogu diidayo in Saxaafaddu su’aalo ka weydiiso shaqadiisa. Tuhunka ugu weyn ayaa ah in Siilaanyo uusan maskax ahaan sidii hore ahayn, lagana cabsi qabo in hadallo aan habooneyn uu sheego, haddii su’aalo la weydiiyo.