SAWIRRO: Xog dheeraad ah oo kasoo baxaysa weerarkii Ismiidaamintii ee ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Saraakiil ka soctay Dowlada Imaaraadka Carabta oo maraayay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro farabadan oo inta badan soo gaaray Ciidamada ilaalada u ahaa Wafdiga ka socday Dowlada Imaaraadka Carabta, waxaana la xaqiijiyay in dhimashada ay kor usii dhaafeyso ilaa 13-ruux oo u badnaa Ciidamadii la socday Wafdiga.

Gaariga lagu fuliyay weerarka Ismiidaaminta ah ayaa waxaa la soctay labo ruux oo naftood hurayaal ah kuwaasi oo ku basbeelay gaariga ay ku fuliyeen weerarka.

Gaariga ayaa waxa uu dhexda ka galay kolonyadii gaadiid ee la soctay Wafdiga waxaana halkaasi ka dhashay burbur xoogan, halka gaadiidka qaarna uu soo gaaray dab ka dhashay qaraxa.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa ku dhow Labaajo lagu dhaqo baabuurta, waxayna aheyd goob dadka ku badnaa, iyadoona ay wadada isticmaalayeen gawaari kala duwan.

Dhanka kale, waxaan cadeyn inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha soo gaaray saraakiisha ka tirsan Imaaraadka, waxaana la rumeysan yahay inuu soo gaaray Khasaaro kala duwan walow aan weli la sheegin.
is qar
width="640"



 width=




is qaraxa
is-qarxin

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com