XOG: 2-da musharax ee ugu cad-cad maamulka G/dhexe + Guuled oo dhibaato gaara ay heysato

Cadaado (Caasimada Online) – Ayadoo ololaha musharixiinta jagooyinka guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha maamulka cusub ee GALMUDUG sii xoogeysanayo ayaa saadaal hordhac ah laga bixinayaa musharixiinta ugu cadcad xilka madaxweynaha ilaa xilligan la joogo.

C/kariin Xuseen Guuleed oo taageero ka heysta madaxda dowladda federaalka iyo Axmed Macalin Fiqi oo isna taageero ka helaya kooxda Aala-sheekh ayaa ilaa iminka ugu horeeya kuna jira safka hore ee musharixiinta jagadan xilli dood kulul dhowaan ku dhex martay SNTV lix musharax oo jagadan u taagan.

C/kariin Guuleed ayay Cadaado ku heysataa taageero iyo diidmo is barbar socda, wuxuuna si weyn uga duwan yahay musharixiinta kale, waxaana bilowgii shirkaba loo arkayay inuu heysto lacag badan oo tii dowladda ah iyo taageero xoog leh oo ka imaaneysa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay saaxiibo iyo iski koox yihiin.

Intaas oo kaliya maaha ee Musharax C/kariin Guuleed wuxuu uga duwan yahay musharixiinta kale in mucaarad aan yareyn uu leeyahay, waxaana dhacda in sawiradiisa magaalada Cadaado suran lagula kaco tacadiyo ay ka mid yihiin in la jeexjeexo ama lagu ciyaaro dibna loo fool xumeeyo. Arrintan waxay gaar u tahay sawirada ololaha musharxnimo ee C/kariin Guuleed ku saabsan oo kaliya.

Isha goobjooge