Qeylo-dhaantii Puntland oo shaqeyn weysay, QM oo aqbashay maamulka cusub ee GALMUDUG !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay dhaarinta xubnaha baarlamaanka Maamulka cusub ee Galmudug oo maanta ka dhacday magaalada Cadaado.

“Waxaan Dowladda Federaalka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, Guddiga Farsamada, iyo Odeyaasha dhaqanka Gobollada Dhexe ugu hambalyeynayaa tallaabadan muhimka ah ee ay qaadeen oo ah horumar la taaban karo oo loo qaaday federaalaynta Soomaaliya. Waxaan sidoo kale ku hanweynahay in guul lagu dhammeystiro marxaladaha ka harsan geeddi socodka maamul sameynta gobollada dhexe, oo ay ka midtahay doorashada Madaxweynaha iyo dhisidda maamulka cusub” ayuu hadal qoraal ah ku yiri Nicholas Kay.

Kay ayaa sidoo kale sheegay in UNSOM ay taageero buuxda u fidineyso geeddi socodka maamul sameynta ilaa iyo inta si buuxda looga dhammeystiro, wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan daneeyeyaasha ama dhinacyada ay arrintu khuseyso inay u sii heelanaadaan wadatashi wax ku ool ah, isu talaasul iyo dibuheshiisiin.

“Waa muhiim In la xaqiijiyo hanaan caddaalad ah oo loo wada dhanyahay iyadoo Shirka Cadaado uu dooranayo Madaxweynaha iyo Maamulka Galmudug waxay qayb ka qaadanaysaa in la gaaro nabad waarta iyo xasillooni ka dhacda ma aha gobolkan keliya, bal ee sidoo kale Soomaaliya oo idilba”

Hadalka kasoo baxay Kay ayaa leh miisaan siyaasadeed oo culus, wuxuuna muujinayaa in QM ay aqoonsan tahay sax ahaanshaha iyo jiritaanka maamulka cusub ee ka kooban gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud.

Sida dastuurka maamulka ku qoran, wuxuu si buuxda uga kooban yahay labadaas gobol, waxaana xuduudka maamulka ku eg yahay gobolka Nugaal, waxaana in sidaas uu kusoo dhoweeyo Kay ay muujineysa in qeylo-dhaantii maamulka Puntland aysan waxba uga beddelin fikirka QM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com