Sharciga Soomaaliya & Axmed Madoobe keebaa awood badan? + XASAN Sh. iyo cabsida Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo sharciga Somalia uu yahay mid aan xiligaani lagu dhaqin dalka Somalia sababo la xiriira u hogaansami la’aanta xeerarka ayaa waxaa hadana soo muuqaneysa in Dastuurka dalka uu yahay mid ay ka awood badan yihiin shaqsiyaad gaar ah oo ku lamaanan Dowladaha dariska la ah Somalia sida Ethiopia iyo Kenya.

Sharciga ayaa dhigaaya in hirgalintiisa loo madax-baneeyo Xubnaha Baarlamaanka ee wakiilka ka ah Shacbaka Soomaaliyeeda waxaa hadana jira nidaamyo hoose oo suuragalinyeysa in lagu qaad qaado shaqsiyaad hogaanka u haya Maamul goboleedyo hoostada sharciga la baalmaray oo uu kamid yahay Maamulka Jubbaland ee uu hogaanka u hayo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa waxaa hor boodayo dowlado dhowr ah oo iyagu hormuud ka ah qaska iyo qarbudaadka ka taagan dalka Somalia kuwaasi oo haminaayo in inta ay socto amni darida ka faa’iideystaan kheyraadka dalka iyaga oo taasi usoo maraayo Maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa waxaa naas-nuujinaayo Dowladaha aan kor kusoo xusnay iyaga oo fiirsanaayo maslaxadooda gaarka ah ayaa waxa ay suuragaliyeen in Horjoogahaasi ay siiyaan awood gaar ah iyaga oo uga hiilinaaya qodobada ku jira Dastuurka si qarka looga tuuro Axmed Madoobe loona dareensiiyo inuu leeyahay awood gaar ah oo la orankaro waxa ay ka sareysa tan ay heystaan Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Madaxweyne Xassan oo si gaar ah uga baqanaayo Dowlada Ethiopia ayaa waxa uu Axmed Madoobe u madax-banaaneeyay inuu ku tagri falo Dastuurka isaga oo aan dib u milicsan faa’iidooyinka ku jira sharciga dalka.

Madoobe waxa uu iminka awood buuxda u leeyahay inuu ku dhaqaaqo go’aanka kasoo maaxa maskaxdiisa isaga oo ku tiirsan awoodaha Labadaasi dal haba ugu horeysee Dowlada Ethiopia.

Sababta ugu weyn ayaa ah in Dowlada Ethiopia ay buuxisay baahiyihii ay ka cabaneysay Jubbaland sida dhanka Maaliyada, Siyaasada iyo taabagalinta adeegyada hoose, halka Dowlada Somalia ay ka gabtay kaalintii ay ku hana laheyd Maamulka.

Ethiopia ayaa bedelka dhaqaalahaasi kula wareegtay Maskaxda Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka iyadoona taasi badelkeeda garwadeen ka noqotay xalinta khilaafyada Maamulka kala dhexeeya DF Somalia.

DF Somalia ayaa isdaba-marisay dhaqaalihii caalamka ay ugu talo galeen in lagu taabagaliyo Maamulada dalka, waxa ayna taasi sababtay in Maamulka Jubbaland uu xirto xiriir heer caalami ah oo aysan horay u xiran Dowlada Somalia.

Madoobe oo awoodahaasi ka duulaya ayaa waxa uu suuragaliyay inuu ka saro maro sharciga dalka eeku qeexan Dastuurka, waxa uuna awood buuxda xiligaani u leeyahay inuu baalmaro qodob alle qodobkuu doono.

Inta badan Siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahaanada ayaa isweydiinaya waxa uu Axmed Madoobe dhaamo Hogaamiyayaasha kale ee ka arrimiya Gobolada dalka.

Waxa ay garwaaqsan yihiin in Madaxweyne Xassan Sheekh uu xariga u daayay Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa Itoobiyana ay ka faa’iideysatay dayacnaanta Maamulkaasi, walow dhismaha maamulkaasi ay ka dambeysay Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com