Fadeexadda DF: Deg-deg-tii Ukraine & ka damqasho la’aanta Islii + Document

24 Saac wax ka yar ayey Dawladda FS war saxaafadeed uga soo saartey arin ka dhaceysey Yurub, oo aan illaa iyo hadda la fahmin cidda ay u adeegeysey, iyo waxa keeney degdegtaas, ayadoo dhanka kale-na aysan jirin wax war ah ama tallaabo ah oo Soomaalida qanciya oo ay ka soo saartey dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta ku heysata dalka deriska nala ah ee Kenya?

Waxaase ka sii naxdin badneyd markii Wasiirka Arimaha Gudaha Dawladda Federaalka ahi uu ku tilmaamey dhibka heysta Soomaalida ku nool Kenya “mid la buunbuuniyey” asagoo sheegey in 70 qof oo aan sharci heysan ay yihiin dadka meesha lagu hayo”, Halka Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya uu BBC-da ka sheegey in dadku gaarayaan 2,000 oo qof, dhibaatooyin iyo bahdilna halkaas ay kala kulmayaan…Dawladda Federaalka ah waxaa looga fadhiyaa ugu yaraan welwelka Ukraine arimaha ka dhacaya ay ka muujisey in ay dadkeeda ku dhibaateysan Kenya ay u muujiso, dafiraadda iyo is-hilmaansiintana meesha ka saarto.

asW/Q: Madaxii hore ee sirdoonka, Axmed Macallin Fiqi