28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Wasaarad aan loogu talo-gelin oo la wareegtay deeq Somalia uga timid…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Deeq gaareysa 400 tan oo ka kooban dawo iyo qalab ayaa qeybtii ugu horeysay dhowaan soo gaartay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana la yaab lahayd inay deeqdaasi la wareegtay wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka. Agaasimaha Wasaaradda arrimaha Gudaha Xalane ayaa garoonka kula wareegay deeqdani. Afhayeenka wasaaradaasi ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha loogu deeqay dawadaasi.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in deeqdan dawo ee ka timid Sacuudiga Madaxtooyadu ku qortay in lagu wareejiyo wasaaradda arrimaha gudaha, halkii ay ahayd in deeqdaasi ay la wareegto Wasaaradda Caafimaadka oo leh takhasuska arrintan una qaabilsan dowladda arrimaha caafimaadka.

Deeqda dawo ayay wasaaradda arrimaha gudaha ku xareysay bakhaar aan munaasib ku ahayn oo raashin hore ugu jiray, waxaana laga yaabaa inay qalabka iyo dawadaasi muhiimka ah ay waxyeelo ka soo gaarto sida ay welwel ka muujisay wasaaradda caafimaadka oo la sheegay inay arrintan ka cabatay.

Deeqdan dawo iyo qalabka Sacuudiga ayaa loogu talogalay Isbitaalka Forlanini e TB-da oo Sacuudigu dayac tiray, Qeyb ka mida isbitaalka Benaadir iyo qeybo kale oo isbitaalada kamida, waxaana wafdi ka socda Sacuudiga iyo wasaaradda caafimaadka ay dhowaan booqdeen xarumahaasi.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u muuqata inay faraha kula jirto wax waliba oo dhaqdhaqaaq ah, iyadoo wasaaradaha kala xigsaneysa, isla markaana howl ay wasaarad lahayd ku wareejineysa wasaarad kale, taasoo ka mida maamul xumida iyo daneysiga ragaadiyay dowladda.

HOOS KA DAAWO WARKII UU DEEQDAASI KA DIYAARIYAY TELEFISHAN HORN CABLE

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News